Home Wararka Maanta SAWIRRO:-Shirka GSD Qurba joogta Soomaaliyeed ee Istanbul iyo doorta iyo Ergada Soomaalida...

SAWIRRO:-Shirka GSD Qurba joogta Soomaaliyeed ee Istanbul iyo doorta iyo Ergada Soomaalida Reer Switzerland .

207
0
SHARE

Resolution.
Xal go’aan qaadasho.

Shirka GSD Qurba joogta Soomaaliyeed ee Istanbul.
Ugu horreeyntii waxaan idiin kaga mahadcelinayaa casumaaddiinna kulankan Caalamiga ah ee Soomaalida qurbaha ku nool ee lagu qabtay Istanbul sannadkan jun 17. Jun 2019-ka.
Ergada Soomaalida Reer Switzerland waxaa ay ugu talo galeen in ay uga qeyb qaataan dib u heshiisiinta iyo sidii loo heli lahaa nabad, is faham iyo wada shaqeeyn heer Qaran iyo mid Gobol intaba,
Mudaneyaal iyo Marwooyin waa sida soo socota: Walaalaheeyga qiimaha lahoow, waxaan matelnaa oo aan ka kala nimid daafaha kala ee waddankeenna aan jecel nahay ee Soomaaliya.Sida aan la socotaa wufuuddaha Qurba joogta ah ee shirkan ka qeyb galeeysaa waxaa ay ka kala yimaadeen Dunida oo dhan.
Waxaanna idiin kaga mahadcelinayaa howsha culus ee aad ka marteen sidii uu u qabsoomi lahaa shirkani.Sida aan wada og nahay Soomaaliya ma ahan Jasiirad ee waa Waddan leh Dhaqan soo jireen ah oo qarniyo la soo kala dhaxlayey. Dalkeennu waa meel u ah muhiim dhaqaalaha Dunida.
Saddex meelood laba meel Xamuulka Dunida isaga kala gooshaa wuxuu ka gudbaa xeebaha Soomaaliya.Soomaaliya waa meel ay dhex ceegaagaan macaadin iyo Tamar, lagana heli karo kheyraad aad u fara badan. Sababta quwadaha waaweyn iyo waddammada horumarey ay u daneeynayaan ayaa ah mid si cad u muuqata.

Waxaana ay waddammadaasi si aan gabbasho laheyn ugu dadaalaan in ay kala qeeybiyaan waddankeenna si ay danahooda uga fushadaan. Doowladda derisku waxaa ay ka leeyihiin Dalkeenna danahooda gaarka ah, haddaba haddii aannaan Soomaaliyeey midoobin Aawooddeennu waa ay yaraaneeysaa waana u sahlanaaneeysaa in sidi la doono na loo maamusho. Dhibaatada bulshadeenna uu u geeystey is barbar yaacu waxa ay taabtey Aabbeyaal, Hooyooyin, carruur iyo cirroole. Waxaana u markhaati ah sida aan ugu dac darreeysan nahay xeryaha qaxootinnimo ee dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba.

Dalkeenna iyo dadkeenna Soomaaliyeed waxaa ay leeyihiin weli oo aad arkeeysaa dhaqan fiican, is dhexgal, wada deggenaasho iyo wax wada qeeybsi.

Dhulkeenna baaxadda weyn ee geeska Afrika waxaa looga hadlaa hal af oo ah Soomaali waxaanna leennahay hal dhaqan. Dadkeenna qurbaha ka yimid waxaa ay waayo aragnimo u leeyihiin Waddamada aan ka nimid ee Dimoqraadiga ahi waxaa ay lee yihiin afaf iyo dhaqammo kala geddisan. Saas oo ay tahay waxaa ay gaareen horumar la taaban karo. Waddammada horumarey Dowladda ayaa ka haqab tirta wax kasta oo Bulshadu u baahan tahay. Innaguse weli maba aannaan tijaabin. Ururadda Bulshadu waxaa ay codsanayaan iyadoo aan la fiirin kala duwanaantu nooc kastoo ay tahay midab, af, dhaqan iyo Diin, in si wadajir ah meel aan uga soo wada jeesanno sidii aan u caawin laheyn walaalaheen Soomaaliya. Waxaanna idiin rajeeyneeynaa inaad aad mid noqotaan Bulshooyinka Caalamka.

Waxaan aad ugu dadaaleeynaa sidii loo heli lahaa Soomaaliya oo Awood leh oo isku duuban. Xiriir fiicanna waxaan la leennahay waddanka aan ku nool nahay. Waxaanna uga Faa’iideyn doonnaa fursaddaas in aan Soomaaliya wax tarno si tartiib ah.

Waxaan dalbaneeynaa in wax Alla iyo wixi dhib, is faham la’aan iyo dhaawac nafsadeed ah ee horey aan isugu geeysanney aan meel iska dhigno oo aan u gudubno sidii aan u walaaloobi laheyn oo aan meel uga soo wada jeesan laheyn horumarinta Soomaaliya.

Waxaan dalbaneeynaa in inaad is xaq dhoowrtaan oo aad is tixgelisaan waxna aad isu oggolaataan dhexdiiinna.Is maamul u sharciga Loo Hoggaansanmo taasoo Dan u ah qabaa’ilkiinna.In la aad is maqashaan, is dhegeeysataan, si taxadar lehna uga fekertaan dalka. Hooyooyinkeen, Aabayaasheen, Walaalaheen iyo Carruurternna balse aan la eegin uun Kaamirada idin heeysa.

In aan kaashataan Qaramada midoobey hay’adda UNRWA, taasoo ay Waddanka dhan waxbarasho idiin helayaan carruurtiinnu si aaney fursad ugu helin qolyaha argagixisadu.Soomaaliya waxay aheyd waddanki ugu horreeyey ee diidey oo ka hor yimid gumeeystaha kana dhiidhiyey in la dulleeysto haddaba sidee ayaa aan u noqonney kuwo lagu daneeysto oo wax ka fiiriya uun meel gaaban ?!.

Dhamaanteen waxaan nahay oo na saaran Mas’uuliyad, waana in aan wada raadinno Nabad gelyo iyo xorriyad sidii Soomaalidu u wada heli laheyd.

Waxaan raadineeynaa waa in ay NABAD wada noqoto Soomaaliya.
Waxaana lagama maarmaan ah in aan ka wada shaqeeyno in Soomaaliya ay hesho xasillooni waarta taas oo dan u ah guud ahaan Gobolka Bariga Afrika, gacanta Cadmeed iyo badweeynta Hindiya.
Insha Allaah waan gaari doonnaa.
___.
SomaliSwissDiaspora.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here