Home Wararka Maanta DAAWO:-Wasiir Goodax:- oo Joojiyay Imtixaanaadkii Shahaadiga ahaa ee Dugsiyada sare Dalka

DAAWO:-Wasiir Goodax:- oo Joojiyay Imtixaanaadkii Shahaadiga ahaa ee Dugsiyada sare Dalka

500
0
SHARE

Wasiirka Waxbarashada xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdullahi Goodax Barre ayaa xalay sheegay in guud ahaan la joojiyay Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyada Sare ee Dalka.

Wasiir Cabdulaahi Goodax ayaa sheegay in uu fashilamay Imtixaankii ay Wasaadu qaadeysay Seddaxdii maalin ee lasoo dhaafay isla markaana dib loogu noqonayo imtixaan kale.

Wasiirka Waxbarshada Soomaaliya oo la hadlayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in 27-ka Bishan aynu ku jirn ee Maajo uu bilaabanayo Imtixaanka mideysan ee Dugsiyada Sare dalka oo dowladdu ay qaadeyso uuna ku egyahay isla 31-da bishaan

Wasiirka ayaa Waxa uu ku eedeeyay in dad gaar ah ey iibsadeen imtixaanka dowladda taasina ay sababtay in Lixdii maado ee la qaaday Seddaxdii maalin ee lasoo dhaafay in Ardaydu ay banaanka ka helaan qishka.

Wasiirka Waxabarashada ayaa ka dhawaajiyay in Shanta maalin ee uu socanayo Imtixaanka aan dalka laga isticmaali doonin Internet si loo xakameeyo adeegsiga Baraha Xiriirka Bulshada.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here