Home Wararka Maanta Wiil Soomaaliya oo Dowlada Denmark ay sharciga kala noqotay oo mar kale...

Wiil Soomaaliya oo Dowlada Denmark ay sharciga kala noqotay oo mar kale dib u helay!

315
0
SHARE

Xukuumada Dalka Denmark ayaa dib ugu soo celisay Maxamed ibrahim oo ka kasoo jeeda Dalka Somaliya kaasi oo sharciga dalka laga ceshtay mudo laga joogo sanad iyo bar kahor.

Maxamed Ibraahim oo kamid ah 929 qof oo somali ah kuwaasi oo laga ceshtay sharciga dalka ayaa dalkaasi gaaray sanadkii 2013-ka waxana sababta sharciga looga ceshtay loogu sheegay in uu amaan yahay dalka soomaaliya xaalada dalkaasi ay soo hagaagtay.

Wiilkan 23 sano jirka ah ayaana nolosha ka quusan isagoo bilaabay shaqo dhanka hilib gooynta ah.

Wuxuuna Mudo ka badan 2 sano ka shaqeeyay magaalada lagu Magacaabo Thisted.

mushaharka oo ka heli jiray shirkada oo gaaraya 422,000 kroner ayaana buuxin sharuudaha looga baahanyahay in uu helo sharciga daganaansha rasmiga lakin waxaa kiiskiisa loogu qiimeeyay sharci hore madama uu bulshada si fiican u dhexgalay.

Si kastaba ha ahaate Shacabka reer Denmark ayaa u dooday mohamed iyagoo sheegay in uu yahay qof mudan in uu deganaansho ka helo dalka madama uu dhexgalay bulshada deegaanka.

Ugu danbeyntii warbaahinta Dalka Denmark ayaa qeyb ka qaadatay kiiska mohamed madama maalmihii u danbeeyay ay si aad ah u hadal hayeen.

ISHA/DR.DK

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here