Home Wararka Maanta DR CALI CISMAAN”Guul Xulka Qaran Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud”

DR CALI CISMAAN”Guul Xulka Qaran Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud”

305
0
SHARE

Isboortiga guud ahaan waxa ay dhalinta soo koreysa ka helaan caafimaad jireed iyo mid maskaxeed,waxa uu ku abaabiyaa asluub wanaag,waxa ay ka koroorsadaan wadashaqeyn iyago ku barta hogaaminta toosan iyo kala dambeynta,waxa uu isboortiga dareensiiyaa isku kalsooni,sharaf iyo martabad ay sareysa ayey ka helaan.

Ummadda Soomaaliyeed waxay haybad iyo taarikh ku leedahay isboortiga noocyadiisa kala duwan,waxay leeyihiin ciyaartoy u jajaban ka qeyb galka ciyaaraha gudaha iyo dibadda iyagoo daafacaayo qaranka Soomaaliyeed,waxaana ciyaartoyda qaarkood lagu xusuustaa guulihii ay soo hoyiyeen oo taarikhda isboortiaga addunka iyo midka Qaranka Soomaaliyeed uga jira baalal dahab ah,waxaana sharaf iyo qiimeyn aan la qiyaasi karin u haya shacabka soomaaliyeed meel kasto ay joogaan,waxayna guulaha ay soo hooyiyeen ay ku xardhanyinhiin quluubta ummada Soomaaliyeed gaar ahaan bahda isboortiga.

Waxaan marka hore dib u yare milicsaneynaa guulahii ay hore u soo hoyiyeen Ciyaartoyda Xulaka Qaran Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Ciyaaraha fudud,waxaana ugu horeyn dul istaageyna guushii caalamiga aheyd uu gaaray Halyey Cabdi Bile Cabdi tartankii ciyaaraha fudud ee caalamiga ahaa ee lagu qabtay Dalka Talyaaniga,halkaa u Halyey Bile si xarago leh ugu guuleystay oradkii 1500mt kuna muujiyey xirfadiisa iyo awoodiisa ciyaareed,

waxayna  lagu abaal mariyey bilad dahab ah,maalintaas ummadda Soomaaliyeed waxay u aheyd  maalin aan xusuusta shacabka Soomaaliyeed aan ka tirtirmi doonin,sidoo kale sanadku markuu ahaa 1973dii waxa dalka Nijeeriya lagu qabtay tartankii ALL AFRICAN GAMES,waxaana halkaa isna guul dhaxal gal ah ka soo hoyiyey Marxuum Cabdulle Nuur Waasughe ka dib markii uu si sharaf leh ugu guuleystay kaalinta koowaad ee boodada sare,halkaana uu ku helay Bilad Dahab ah oo iyana noqon doonto mid xusuusta ummadda Soomaaliyeed sanado badan ka go’in,

sidoo kale Halyey Cali Dheere ayaa isagana ku guuleystay laba biladood oo dahab ah bootinta sare ee Bariga iyo bartamaha Africa bartamihii sanadadii 70tameyadii,waxa iyana aan halkaan ku xuseynaa Halyeyadii Fadumo Dheer Ilaah ha u naxariistee oo ku guuleysatay Botinta sare ee Bariga iyo Bartamaha Afrika halkaana ay heshay Bilad Dahab ah,waxa sidoo kale qormadeyna aan ku soo qaadaneynaa Halyey Cabdulqaadir Abiikar oo lagu naaneyso Waraabe oo isna ku guuleystay biladda Maarta ah tartankii Bariga iyo Bartamaha Afrika ka dib markii uu galay kaalinta sedexaad,waxaana sidoo kale mudan in la xuso Ciyaartoyda Ciyaaraha fudud oo kala ah Jaamac Karaacii,Cabdi Guuleed iyo Cali Bay oo iayana ku guuleystay bilado kala duwan isla markaana ay ummadda Soomaaaliyeed sharaf iyo qiimo ay u hayso.

Waxa dhawaan dalka Djabuti lagy qabtay tartan ciyaaraha fudud oo ay ka soo qeyb galeen dawladdo badan oo ka socda qaaradda Afrika,waxaana wafdigaas hogaaminaayey Gudoomiyaha Guddiga Olimpikadda Soomaaliyeed Mudane Cabdulaahi Axmed Trabi,Gudoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud Marwo Khadiija Aaden,Gudoomiye kuxigeenka Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud Mudane Faarax Macalin,waxaana ka mid aha wafdigaas 5 ciyaartoy,kuwaa oo runtii carbis adag hore u soo galay si magaca Ummadda Soomaaliyeed ay u daafacaan,

waxayna ka qeyb galeen tartan caalami ah ee ciyaaraha fudud oo lagu magaabo  DJABUTI INTERNATIONAL MEETING,waxaana ciyaartoydeyna halkaa ka soo hoyiyeen guulo dhaxal gal ah oo runti magaca ummadda Soomaaliyeed sumcad u soo jiiday,guulahaas waxay noqon doonaan mid aan ka waligeed la iloobi doonin madaama guulo noocaas ah ay noogu dambeysay sanadku markuu ahaa 1987,waxay guulahaas kala yihin;

1)Cabdisalaam Axmed Maxamed oo ku guuleystay tartanka 800 mt,halkaana ummadda Soomaaliyeed u soo hoyiey Bilad Dahab,waxaana uu ku orday 1:55ilbiriqsi.

2)Cabdulahi Jaamac Maxamed ayaa isna ku guuleystay 1500 mt halkaa ku helay bilad dahab ah,waxaana uu ku orday 3:46.78,

Waxaan halkaan ugu gudbineynaa Hambalyo iyo Bogaadin Guddiga Olimpigadda Soomaaliyeed iyo Xiriirka Ciyaarha Fudud iyo dhamaan intii ka soo shaqeysay hanashadda guushaan,isla markaana waqti badan geliyey suurtagelnimadda ka qeyb galka tartankaasi,waxaana anigoo(Dr. Cali Cusmaan Cali) oo ku hadlaayo magaca bahweynta Isboortiga Soomaaliyeed  oo ka soo shaqeeyey horumarinta Isboortiga Soomaaliyeed 5okii sano ee ugu dambeyey idin soo dirayaa Mahadnaq aad iyo aad u sareyay annagoo idin hayna abaal ma guuraan ah idinkuna boogaadineyno in aad dadaalkaas halkaa ka sii wadaan.GUUL GUUL GUUL.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here