Home Wararka Maanta Danjirihii Soomaaliya ee Switzerland oo Xamar u dhooftay iyo Mas’uul cusub oo...

Danjirihii Soomaaliya ee Switzerland oo Xamar u dhooftay iyo Mas’uul cusub oo xilkeeda Si Kmg ah ula wareegay!

202
0
SHARE

Danjire Faadumo Cabdulaaji Insaaniye oo ah Danjiraha Dowlada Federaalka ee Switzerland iyo Xarunta Qaramada Midoobey ee Geneva ayaa maanta u dhooftay Magaalada Muqdisho ee xarunta Dalka Soomaaliya.

Safarka Safiirka ayaa ka danbeeyay kadib markii dhowaan waraaq ka soo baxday wasaarada Arrimaha dibada Soomaaliya loogu yeeray in mudo kooban ay ku soo gasho gudaha Dalka.

Safaarada Soomaaliya ee Geneva ayaa waraaq ay maanta soo saartay waxa ay ku cadeysay in Maxamed Axmed uu si kumeel gaar aah u buuxin doono booska Danjiraha maqan iyo howlaha Safaarada ee kala dhaxeeya Qaramada Midoobey.

Talaabada Danjiraha loogu yeeray in ay Xamar timaado ayaa ka danbeysay kadib markii Dowlada Soomaaliya aysan cambaaryn haysashada Israel ee dhulka Golan Heights ee Suuriya, kaasi oo ay ku qabsatay Dagaalkii Lixda Maalmood ee sanaddii 1967-kii. ,

waxayna Soomaaliya ka mid noqotay shan dal oo ka aamusay, kuwaas oo kala ah; Cameroon, Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, Fiji, Rwanda iyo Somalia.



Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here