Home Arimaha Bulshada SAWIRO+VIDEO:-Xaflad Lagu Taageerayo Madaxda Cusub ee Puntland oo ka dhacday Geneva Switzerland!

SAWIRO+VIDEO:-Xaflad Lagu Taageerayo Madaxda Cusub ee Puntland oo ka dhacday Geneva Switzerland!

548
0
SHARE

Xaflad lagu taageerayo Madaxda cusub ee Puntland sida Madaxweyne Saciid Deni, Madaxweyne Ku-xigeen Cabdi Cilmi Karaash, Gudoomiyaha Golaha Wakiilada iyo Labada Gudoomiye Ku-xigeen, Xubnaha Cusub ee Golaha Wasiirada ayaa lagu qabtay Magaalada Geneva ee Dalka Switzerland.

Xafladan oo ay soo qaban qaabiyay Bulshada Reer Puntland ee ku nool Switzerland ayaa sidoo kale waxaa ka soo qeyb galay Qeybaha kala duwan ee Jaaliyada Reer Puntland ee ku dhaqan Switzerland.

Munaasabada oo aad loo soo agaasimay ayaa waxaa khadka telefoonka kaga soo qeyb galay Madaxweynaha Puntland Dr. Saciid Deni.

Sidoo kale waxaa madasha ka hadlay Xubno ka tirsan ka soo qeyb galayaasha iyagoo madaxda cusub kula dardaarmay in ay dalka ku hogaamiyaan Karti iyo Hufnaan.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka

Halkan Hoose Ka Daawo Sawirada Xaflada

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here