Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta fadhi wada jir ah oo labada gole ee baarlamaanku iyo Golaha Guurtada la yeeshay ka jeediyay khudbad sandeedka dastuuriga eheed ee madaxweynaha, isagoo soo hadal qaaday wadahadalada Somaliland iyo Somalia.
Biixi ayaa khudbadiisa kaga hadlay waxyaabaha u qabsoomay xukuumadiisa muddadii sanadka iyo dhowrka bilood ahayd ee xukunka uu hayay iyo waliba qorshayaasha u degsan mustaqbalka.