Home Wararka Maanta RASMI:-Shariif Xasan oo iska casilay xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed!

RASMI:-Shariif Xasan oo iska casilay xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed!

118
0
SHARE

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka koofur Galbeed  Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Goordhow ku dhawaaqay inuu iska casilay Xilka Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale Waxaa uu sheegay Madaxweynaha inuu ka tanaasulay inuu u tartamo xilka Madaxtinimada ee Maamulka Koofur Galbeed.

Madaxweyne Shariif ayaa iscasilaadiisa waxaa uu ku sababeeyay in ay tahay marxalada siyaasadeed ee ka jirta Magaalada, waxaana la sheegay inuu ka baqay in rabshado ay ka dhacaan Magaaladaasi.

Madaxweyne Shariif ayaa warkan waxaa uu ka sheegay kadib markii uu jir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo.

Waxaana Kusimaha madaxweynaha KMG ah ee Koofur Galbeed sii noqon doono Gudoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdi Qaadir Shariif Sheekhuna Maye.

Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ku sugnaa madasha uu isku casilay Madaxweynihii hore ee Koofur Galbeed.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here