Home Wararka Maanta DHAGEYSO WAREYSI:-Suldaan Maxamed oo ka digay in Xil kororsi uu sameeyo Madaxweynne...

DHAGEYSO WAREYSI:-Suldaan Maxamed oo ka digay in Xil kororsi uu sameeyo Madaxweynne C/Wali Gaas!

148
0
SHARE

Suldaan Maxamed Yuusuf oo ka mid ah Isimada ka soo jeedo deegaanada Puntland ,ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay shabakada Umada News, isagoo ku sugan dalka Swedan waxa uu ku taliyay in doorashada Puntland la qabto wakhtigii loo balamay.

Suldaanka, ayaa sidoo kale ka digay in ay dhacdo mudo kororsi ay sameyso xukuumada Madaxweyne Cabdiwali Cali Gaas, isagoo sheegay in ay taasi ay sababo karti dhibaato hor leh oo ka dhacda deegaanada Puntland.

Sidoo kale Suldaanka ayaa ka soo horjeestay go’aankii Puntland iyo Maamul goboleedyada kale  ay xiriirka u jareen dowlada dhexe ee Soomaaliya, sidoo kale waxa uu nasiib daro ku tilmaamay go’aanka xukuumada Madaxweyne Gaas, ay ku xumeysay wada shaqeyntii dowlada federaalka ee Soomaaliya.

Ugu danbeyntii Suldaan Maxamed Suldaan Yuusuf waxa uu wax la aqbali karin ku tilmaamay in xiligaan la furo Baarlamaanka Puntland, iyadoo sida uu sheegay loo daneeneyo beelo gaar ah.

Wareysiga Suldaanka uu siiyay Umada News hoos ka dhageyso

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here