Home Wararka Maanta Nabadoon Xarago oo si weyn u taageeri jiray Cabdiwali Gaas oo Boosaaso...

Nabadoon Xarago oo si weyn u taageeri jiray Cabdiwali Gaas oo Boosaaso lagu xiray!

139
0
SHARE

Ciidamada Amaanka ee Magaalada Boosaaso, ayaa xabsiga dhigay Nabadoon Cabdulqaadir Xarrago oo ka mid ah Nabadoonada Gobolka Bari.

Nabadoon Xarago oo markii hore si weyn u taageeri jiray Madaxweynaha Cabdiwali Cali Gaas, ayaa mudooyinkan danbe waxa uu u muuqday mid ka soo horjeeda siyaasada Xukuumada Puntland.

Nabadoon Xarago ayaa maalmahan waxa uu magaalada Boosaaso ka waday qorshe lagu taageerayo xukuumada Federaalka ee Soomaaliya, sidoo kale waxa uu dhowaan sheegay in uu ka soo horjeedo go’aankii ay Dowlad Goboleedyada xiriirka ugu jareen Dowlada Federaalka ee Soomaaliya.

Ma ahan markii ugu horeysay ee xabsiga la dhigay Nabadoon Cabdulqaadir Xarago ,bishii Maarso ee sanadkii hore ayaa sidaan oo kale xabsiga la dhigay balse markii danbe lagu sii daayay cafis Madaxweyne.

Umada News
Boosaaso

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here