Home Wararka Maanta DAAWO:-Saraakiil Sare Sare oo Ciidanka Puntland oo Ka Hor Yimid C/wali Gaas,...

DAAWO:-Saraakiil Sare Sare oo Ciidanka Puntland oo Ka Hor Yimid C/wali Gaas, Taageerane u Muujiyay Dowlada Dhexe!

175
0
SHARE

Khilaafka u dhaxeeyo Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, iyo Saraakiisha Ciidanka Puntland ayaa gaaray heerkii ugu xumaa abid.

Digreeto dhowaan ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Cabdiwali Gaas, ayaa waxaa shaqada ciidanimo loogu ruqseeyay saraakiil ka tirsan Ciidanka Puntland.

Hadaba waxaa Garowe shir ku qabtay saraarkiil darajadoodu ay aad u sareyso kuwaa oo ku gacan seysay talaabadii uu qaaday Madaxweynaha Puntland.

Saraakiishan ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland aqoon micanaha iyo qaababka ay u shaqeeyaan Ciidadama, isla markaana waxa ay wax kama jiraan ku tilmaameen talaabadii uu Madaxweynaha shaqada Ciidanimo ugu ruqseeyay Ciidanka.

Saraakiishan ayaa taageero u muujiyay Dowlada Dhexe ee Soomaaliya, isla markaana waxa ay ku dhaliileen Madaxda Maamulada in ay abuurayaan fidni iyo dhibaato.

Hoos Ka Daawo

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here