Home Wararka Maanta Amir ahmed bin abdulaziz oo mudo musaafir ku maqnaa ayaa dib ugu...

Amir ahmed bin abdulaziz oo mudo musaafir ku maqnaa ayaa dib ugu laabtay Sacuudiga!

172
0
SHARE

Amir ahmed bin abdulaziz oo ah walaalka Boqorka Salman bin abdulaziz ayaa dib ugu laabtay Magaalada Riyadh ee xarunta Boqortooyada Sacuudiga.

Amirka oo mudo musaafuris ugu maqnaa Magaalada London, kadib markii uu ka soo horjeestay siyaasada Boqorka iyo wiilkiisa ayaa damaanad qaad dhanka amaankiisa ah waxa uu ka helay Boqortooyada Sacuudiga,

Dadka faaqida siyaasada sacuudiga waxa ay sheegayaan in dib ugu laabasho Riyadh ee Amir Axmed ay tilmaam u tahay in la doonayo in lagu badalo dhaxal sugaha awooda badan ee uu dhalay Boqorka waa Maxamed Bin Salmaan.

Amir Axmed Bin Abdulaziz oo 76 jir ah ayaa horey waxa uu u soo noqday Wasiirka Arimaha Gudaha Sacuudiga, waxaana la sheegaa in uu yahay nin siyaasad ahaan aad u fur furan.

Si kastaba ha ahaate dhaxal sugaha iminka ee sacuudiga Maxamed Bin Salman ayaa u muuqdo in uu lumiyay taageerada qoyska Boqortooyada iyo Mareykanka kadib dilkii foosha xumaa ee loo geystay Wariye Jamal Qashgoshi.

Umada News
News Desk

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here