Home Wararka Maanta Gaas oo Magacaabay Taliyayaasha Booliska iyo Daraawiishta Puntland!Yaa Loo Magacaabay?

Gaas oo Magacaabay Taliyayaasha Booliska iyo Daraawiishta Puntland!Yaa Loo Magacaabay?

143
0
SHARE

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa xilka ka qaaday taliyihii ciidanka Booliiska Puntland,S/Guuto Cabdullaahi Shire Dool.

Digreeto Maanta oo Axadda  ah ka soo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa taliyaha ciidanka Booliiska loogu magacaabay,Sarreeye Guuto Gen. Muxiyadiin Axmed Aw Muuse oo sidoo kale ah taliyaha la-dagaallanka Daroogada iyo Argagixisada ee Puntland.

Gen. Muxiyadiin ayaa horey u soo noqday Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Puntland.

Sidoo kale Madaxweyne Gaas ayaa isma maanta magacaabay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland S/Guud C/Shakuur C/llaahi Xasan .

Magacaabista Taliyaha Cusub ayaa timid kadib markii taliyihii hore ee Daraawiishta Gen Siciid Dheere uu shaaciyay in uu tartan u galayo doorashada madaxtinimada Puntland ee sannadka 2019.

Umada News 2019

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here