Home Wararka Maanta XOG:- Umada News oo heshay Magaca Hogaamiyaha Rasmiga ee Xisbiga Horu Socod...

XOG:- Umada News oo heshay Magaca Hogaamiyaha Rasmiga ee Xisbiga Horu Socod Qaran!

520
0
SHARE

Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya oo ku mideysan Ururka Iskaashiga ayaa maanta shirka mudo  Afar maalin ah ugu socday waxa ay ku soo gabo gabeeyeen Magaalada Garowe .

Shirkooda ayaa waxaa ka soo baxay war-muriyadeed dhinacyo kala duwan taabanayo, waxeyna kaga hadleen arimaha Siyaasada iyo Amaanka Dalka.

Madasha Dowlad Goboleedyada mar kale ayay sheegeen in uu sidiisa yahay go’aankii ay xiriirka ugu jareen Dowlada Federaalka ee Soomaaliya.

Balse Arinta ugu muhiimsan shirkooda ka soo baxay ayaa waxa uu ahaa sameysashada xisbi siyaasadeed Cusub oo ka mid noqonaya axsaabta siyaasada ee haatan ka jirta Soomaaliya.

Xisbiga ay dhisteen dowlad goboleedyada ayaa waxaa lagu magacaabi Horu Socod Qaran waxaana Hogaamiye ku meel gaar ah loogu doortay Cabdiwali Maxamed Cali oo ah Madaxweynaha Puntland.

Balse waxaa la sheegay in hogaamiyaha rasmiga ee Xisbiga  lagu dooran doonaa shirweyanaha Xisbiga oo dhowan dhici doono.

Warbaahinta Umada News ayaa ogaatay in Hogaamiyaha rasmiga ee Xisbiga Horu socod Qaran uu noqon doono Dr. Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo labo jeer oo hore Ra’isul wasaare ugu soo noqday Soomaaliya.

Waxaa la sheegay fikrada ah in Xisbi ay sameystaan Madaxda Maamul Goboleedyada ay ka timid isla Cumar Cabdirashiid oo haatan Nairobi ku sugan.

Cumar oo ah shaqsi si aad ugu soo horjeedo Dowlada haatan Soomaaliya ka jirta ayaa la fahansanyahay in uu yahay Ninka gadaal ka taagan Siyaasada Madaxda Maamul Goboleedyada ay kaga soo horjeedan Dowlada uu hogaamiyo Maxamed Cabdulaahi Famaajo.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in xisbiga Horu socod uu noqon dooni mid dagaal adag la galo Xisbiga Nabad & Nolol ee haatan hogaanka dalka haya.

Si kastaba ha ahaate Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa ah siyaasi miisaan leh oo la is oran karo waxa uu  ciriiri siyaasadeed ku soo kordhin karaa Madaxda Nabad iyo Nolol oo haatan qudhooda qaati ka taagan Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya.

Umada News
News Desk

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here