Home Wararka Maanta XOG:-Doorashada Puntland Oo Dib u dhaceyso kadib Kulankii Isimada Gobolka Sool iyo...

XOG:-Doorashada Puntland Oo Dib u dhaceyso kadib Kulankii Isimada Gobolka Sool iyo M/Weyne Gaas!

572
0
SHARE

GAROWE:- Doorashada Puntland ee la qorsheynayay in dhacdo horaanta bisha sanadka 2019-ka ayaa la soo warinayaa in ay dib ugu dhici doonto wakhtigii lagu balamay.

Warbaahinta Umada News, ayaa ka ogaatay in uu jiro qorshe salbalaaran oo lagu doonayo in xilka uu ku kororsado Madaxweynaha xilka ka sii dhamanaayo Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Xubin sare oo ka tirsan Xafiiska Madaxweyne Puntland ayaa Umada News u xaqiijiyay in uu jiro qorshe uu Madaxweyne Gaas ku doonayo in wakhtiga doorashada uu dib ugu dhigo.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in arintaasi dib u dhigista doorashada ay  ka dhalatay kulan adag xalay Madaxtooyada Garowe ku dhex maray Madaxweyne Gaas ,Madaxweyne Ku-xigeenkiisa Cabdixakiim Camey iyo Isimada ka soo jeeda Gobolka Sool.

Isimada Gobolka Sool oo mideysan ayaa Madaxweyne Gaas ku xiran shuruud adag waxeyna u sheegeen  in aysan soo xuli doonin xubnaha Golaha Wakiilada ee ka imaanayo Gobolka Sool  inta Madaxweynaha uu ka dhabeynayo balanqaadkiisa ahaa in uu gacanta Puntland dib ugu soo celinayo Magaalada Laas Caanood iyo guud ahaan Gobolka Sool.

Madaxweyne Gaas, ayaa la sheegay isagoo arintaasi ka faa’iideysanayo in uu doonayo xil kororsi mudo Hal sano ah, taas badalkeeda waxa uu sameyn doono ficilo deg deg ah uu ku abuuro jawi colaadeed oo ka dhaca Gobolka Sool.

Doorashada Puntland oo lagu balamay in ay dhacdp 8 Bisha Janaayo sanadka fooda inagu soo hayo ee 2019-ka ayay haatan u badantahay in ay qabsoonto bisha Janaayo 2020-ka.

Si kastaba ha ahaate lama yaqaan jawaabta celinta ka imaan karto Musharaxiinta Madaxtinimada  iyo Shacabka Puntland ee aa la dhacsaneyn Hogaaminta siyaasada Madaxweyne Gaas hadii ay dib u dhacdo doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweynaha Ku-xigeenka Puntland.

Umada News 
Garowe-Puntland

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here