Home Wararka Maanta DIGREETO:- Madaxweyne Gaas oo xil ka qaadis ku sameeyay Gudoomiyihii iyo Taliyihii...

DIGREETO:- Madaxweyne Gaas oo xil ka qaadis ku sameeyay Gudoomiyihii iyo Taliyihii Booliska Gobolka Nugaal!

546
0
SHARE

Digteeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) oo ku taariikhaysan 24 Sep 2018 ee ku beegan maanta ayaa xilka looga qaaday,guddoomiyihii gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Fara-weyne.

Madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa guddoomiyaha cusub ee gobolka Nugaal u magacaabay,Cabdisalaan Xassan Xirsi(Gujir) oo hore mar u soo noqday duqa degmada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Halkaan ka akhriso digreetada

Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal.

Madaxweynaha Dowaldda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 24 Sep 2018 magcaabay Guddoomiyaha Gobola Nugaal.

Xeer Madaxweyne Lr.132 Sep 22, 2018, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Nugaal.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu Arkay: Dastuurka Dowladda Puntland

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo aragnimadiisa shaqo

Markuu la Tashaday: Madxaweyne ku xigeenka Dowladda Puntland

Wuxuu Xeeriyey:

1.Waxaa Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir) loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal

2.Xeerkani waxa uu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu Saxiixo wuuna saxiixay madaxweynuhu.

-DHAMMAAD-

Sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Puntalnd Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanata oo taariikhdu atahay 24 Sep 2018 waxaa uu magacaabay Taliyaha Xasilinta Gobolka Nugaal Xilkiina ka qaaday Taliyaha Qaybta Gobolka Nugaal.

Wareegto Madaxweyne Lr.12 Sep 22, 2018, kuna saabsan Magacaabid Taliyaha xasilinta Gobolka Nugaal iyo xil ka qaadis Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal.

Ku: Wasiirka Amniga Dowladda Puntland
Ku: Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntlnd
Og: Duqa Degmadda Garoowe
Og: Madaxweyne ku xigeenka

Ujeedo: Magacaabid Taliayaha Xasilinta Gobolka Nugaal
Waxaa dhammaan masuuliyiinta ay warqadani tooska iyo ogaysiinta ugu socoto lagu wargalinayaa in madaxa ladagaalanka arga-gixisada iyo mukhaadaraadka Sareeye Guuto Muxuyadiin Axmed Muuse loo magacaabay Taliyaha xasilinta Gobolka Nugaal waxaana sidoo kale laga qaaday xilkii taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Nugaal G/sare Faarax Galangooli waxaana xilkaas si ku meel gaara ah usii haynaya Sareeye Guuto Muxuyadiin Axmaed Muuse,

Sidaa daraadeed waxaa dhammaan lafarayaa hay’adaha Dowladda in ay si buuxda ula shaqeeyaan ugana danbeeyaan dhammaan arrimaha amniga Gogobolka Nugaal Taliyaha xasilinta.

Sidoo kale waxaa taliyaha hawshaan loo igmaday la farayaa in uu gacan bira ku qabto amniga gobolka gaar ahaan caasimadda kna nadiifiyo kooxaha buracadaa ee dhibaatada ku haya bulshada deegaanka.

Fulin wacan

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas
Madaxweynaha Dowladda Puntland

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACY-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here