Home Wararka Maanta Baarlamaanka Gal-mudug garabka Xaaf oo xilka ka qaaday Maxamed Xaashi Carabey

Baarlamaanka Gal-mudug garabka Xaaf oo xilka ka qaaday Maxamed Xaashi Carabey

415
0
SHARE

Baarlamaanka Galmudug ee fadhigiisu yahay Dhuusamareeb ayaa ku dhawaaqay “in ay xilkii ka qaadeen madaxweyne ku xigeenkii Galmudug” Maxamed Xaashi Cabdi (Carrabey).

Waxay sheegeen in 142 xildhibaan ay soo xaadireen fadhiga, “140-na ay kaloonida kala noqotay, midna uu uu diiday, midna uu ka aamusay”.

Arrintan ayaa salka ku haysa khilaafka ka dhex taagan hogaanka sare ee maamulka Galmudug oo u muuqda inuu aad u fogaaday.

Dhinacyada kala fadhiya Dhuusamareeb iyo Cadaado ayaa maalmihii la soo dhaafay ku dhawaaqayey inay xilalka ka qaadeen madaxweynaha, guddoomiyaha baarlamaanka iyo guddoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamaanka Galmudug.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa iyagana ku eedeeyey dawladda federaalka in ay faragelin ku hayso arrimaha Galmudug.

Carrabey ayaa xil ka qaadista ku tilmaamay “sharci darro”.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here