Home Wararka Maanta DAAWO:-Ra’isul Wasaare Kheyre”Masoo dhaweynayo in la yiraahdo Muqdisho laguma shiri karo sababtoo...

DAAWO:-Ra’isul Wasaare Kheyre”Masoo dhaweynayo in la yiraahdo Muqdisho laguma shiri karo sababtoo ah amni ma ahan”.

591
0
SHARE

Ra’isul wasaare Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneyso waxa uu ka jeediyay barnaamijka Is-Xilqaan ee uu dhaqan galiyay maamulka Gobolka Banaadir.

Ra’iusl wasaare Kheyre ayaa ayaa bogaadiyay barnaamijkan is-xilqaan oo ku tilmaamay in uu yahay mid dhiiro galin leh oo kor u qaadayo horumarka dalka.

Dhanka kale Ra’isul wasaare Kheyre ayaa si kulul kaga jawaabay eedeyn dhowaan ka timid Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare, oo ah Madaxweynaha Hir-shabelle.

Madaxweyne Waare ayaa dhowaan sheegay in amaanka Magaalada Muqdisho uu yahay mid aan la isku haleyn karin isla markaana wuxuu sheegay in xildhibaanada ay ilaashadan amaankooda.

Geesta kale Xasan Cali Kheyre ayaa geeska galiyay war-murtiyeedkii dhowaan ka soo baxay Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada kaa oo ahaa in gacan sedaxaad ay soo dhex gasho Dowlada Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada dhexe ee Soomaaliya.

Halkan ka daawo Khudbada Ra’isul wasaare Kheyre oo dhameystiran

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here