Xubno xaldoon ah oo ka socday aqalka sare ee dowladda Soomaaliya , ayaa maanta gaaray Magaalada Garowe ee xarunta u ah Puntland.
Xubnahan oo uu Gudoomiye u yahay Sen. Cabdiraxmaan Faroole oo ah Madaxweynihii hore ee Puntland , ayaa waxa ay isla maanta kulan la yeesheen Gudoonka Baarlamaanka Puntland sida Gudoomiye Axmed Cali Xaashi iyo Ku-xigeenkiisa Labaad iyo xubno kale oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland.
Sidoo kale waxaa la filayaa in ay kulan la qaataan Madaxda Maamulka Puntland sida Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Golahiisa Wasiirada .
Ujeedka xubnahan ee u yimaaden Garowe ,ayaa ah in ay dhex dhexaadiyaan dowlada Federaalka iyo Golaha iskaashiga Dowlada Goboleedyada oo uu ka dhex jiro khilaaf aad u adag.