Senataro katirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka dowlada federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay tagaan Caasimada Dowlad goboleedyada dalka si ay xal uga gaaraan khilaafka u dhaxeeya dowlada Federaalka iyo Dowlad goboleedyada goboleedyada.
Xubnahan ka socda aqalka sare ayaa si siman u tagi doono Magaalooyinka Garowe,Kismaayo,Baydhabo,Dhuuso Mareeb iyo Jowhar.