Home Wararka Maanta 89-Xildhibaan oo Mooshin ka gudbiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Gal-mudug

89-Xildhibaan oo Mooshin ka gudbiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Gal-mudug

641
0
SHARE

Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusa Mareeb ee xarunta u ah Maamulka Gal-mudug ayaa sheegaya in maanta xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ay mooshin ka gudbiyeen Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir.

Xildhibaanada maanta kulanka yeeshay ayaa waxaa ay gaarayaan 140- Xildhibaan ,waxaana 89-xildhibaan oo ka mid ah ay u Codeeyeen in Mooshinka la qabto,iyadoona mooshinkaasi uu qabtay gudoomiye xigeenka koowaad ee Baarlamaaanka galmudug Xareed Cali Xareed.

Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa waxaa lagu eedeeyay xil gudasho la”aan, taasina waxaa ay keentay in mooshin laga gudbiyo,sidaaasi waxaa soo sheegay Wariyaha KNN ee Magaalada Dhuusa Masreeb.

Maalinta Berri ayaa lagu wadaa in la dhageysto Doodda Mooshinka.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here