Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo ka hadlay xiritaanka Shirka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada Dalka waxaa uu ka hadlay wada shaqeeynta u dhaxeysa Dowlad Dhaxe ee Dalka iyo Dowlad Goboleedyada.
Madaxweynaha Jubbaland oo ka jawaabayey Waraaq xisaab celin ah oo Social Media ha uu kusoo qoray Wasiirka Maaliyada Soomaaliya ayaa yiri ” Waxaanu anagu rabnaa si rasmi in ay Dowladu inoogu soo gudbiso Social Media lacagaha ay sheegeyso, anaguna xisaab celinta waxaan ka sameeyneynaa Social Media wixii ay nasiisay iyo waxaan ku bixinay”