Home Wararka Maanta COD:-Norway oo Dib u baareyso Sharciyada 1400 qof oo Soomaali ah!

COD:-Norway oo Dib u baareyso Sharciyada 1400 qof oo Soomaali ah!

881
0
SHARE

Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Dalka Norway ayaa shaacisay in ay qiimeyn gaar ku sameyndoonto in ka badan 1500 oo ah qaxooti ka soo jeeda Dalka Soomaaliya kuwaa oo haatan heysta sharciga deganaasha ee Dalkaasi.

Dowladda Norway ayaa wado qorshe balaaran oo ay dooneyso in ay ku kala saarto dadka Soomaaliyeed ee u baahan in magangalyo ay ka helaan Norway iyo kuwa ka been sheegay dacwadahiida xiligii ay imaanayen dalkasi.

Balse Wargeyska Vårdland ee ka soo baxa Dalka norway ayaa shaaciyay in durba Laanta socdaalka ee Norway ay sharciga deganaasha kala noqotay dhawaad 41 qof oo soomali ah .

Wargeyska ayaa dhanka kale sheegay in 200 qofoo Soomaaliyeed kuwa oo kiiskooda lagu laabtay isla markana qiimeyn lagu sameeyay ay dib u haleen sharcigooda markii la xaqiijiyay in wali u baahanyihiin magangalyo.

Waxaa jiro dad badan oo Soomaliyeed oo ku nool Norway oo loo diray digniino ah in sharciga lagala laabaynp .

Dadka ugu badan ee laga ceshtay Sharciga ayaa waxaa la sheegay in ay ka soo jeedan Magaalada Muqdisho ama Dacwadooda qaxootinimada ku sheegtay in ay ka yimaaden Gobolka Banaadir .

Balse Laanta Socdaalka ee Dalka Norway ayaa waxa ay ku doodeysaa in xiligaan amaanka Magaalada Muqdisho uu yahay mid la isku haleen karo.

Geesta kale Ururada u dooda xuquuqda qaxootiga ayaa wado dadaalo xoogan ay ku doonayaan in ay ku baajiyeen dib u celinta qaxootiga Soomaaliyeed e ku sugan Norway.
Si kastaba ha ahaate Dowlada Norway ayaa sanadihii ugu danbeeyay bilowday qorshe sharciga daganaanshaha dalkaasi looga ceshanayo qaxootiga dalkeeda ku sugan oo ay Soomaalida ku jirto taasina waxa ay wel wel ku abuurtay Soomaalida ku nool dalkaasi.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here