Home Wararka Maanta MUUQAAL+SAWIRRO:-Qaar ka Mid ah Shacabka Soomaaliyeed oo soo dhoweeyay Talaabadii Madaxweyne Farmaajo…!

MUUQAAL+SAWIRRO:-Qaar ka Mid ah Shacabka Soomaaliyeed oo soo dhoweeyay Talaabadii Madaxweyne Farmaajo…!

630
0
SHARE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa farxadda munaasabadda ciidda shalay la qaatay Guutada 14ka Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isaga oo salaadda ciidda kula tukaday Dugisga Tabobarka ee Janaraal Goordan.

Talaabadasi uu qaaday Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay in ay tahay mid wanaagsan oo dhiiro galin u sameyneyso Ciidanka Xoogga Soomaaliya.

Shacabka Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool ayaa dhambaal ay soo gaarsiiyeen Shabakada Umada News, ayaa si aad ah u soo dhoweeyay go’aanka uu gaaray Madaxweynaha oo aheed in Munaasabadda Ciida uu farxada la qeybsado ciidanka Soomaaliyeed.

Coll. Nageeye oo ah Khabiir dhanka Ciidanka ah oo ku sugan Australia oo la hadlay shabakada wararka Umada News, ayaa sheegay in hadii madaxda sare ee qaranka ay joogteeyaan dhiiro galinta Ciidanka qeybihiisa kala duwan ay taasi horseedi doonto in uu si dhab ah u soo laabto haybadii iyo Karaamadii uu lahaa Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.

Halkan Hoose ka Daawo Muuqaalka iyo Sawirada.


Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here