Home Wararka Maanta DAAWO MUUQAAL:-Muwaadin Soomaaliyeed oo Dacwad ka ah Safaarada Soomaaliya ee Biljimka!

DAAWO MUUQAAL:-Muwaadin Soomaaliyeed oo Dacwad ka ah Safaarada Soomaaliya ee Biljimka!

2627
0
SHARE

Cabashada ka imaaneyso muwaadiniinta Soomaaliyeed, ee ku nool dalalka Dibada ayaa mar marba ka danbeyso soo ifbaxeyso.

Cali Cumar Calasow oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo degan Switzerland ayaa cabasho balaaran ka muujiyay hab dhaqanka ka jira safaarada Soomaaaliya ee Dalka Biljimka.

Muwaadinkan Soomaaliyeed Cali Cumar Calasow ayaa sheegay in dhowaan dan ay ka gashay Safaarada Soomaaliya ee Dalka Biljimka balse uu kulmay dhaqan aan wanaagsan .

Muwaadinkan Soomaaliyeed ayaa Wuxuu ku eedeeyay Howl-wadeenada Safaarada Soomaaliya ee Biljimka in dhibaato ay ku hayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee danta ka gasho Safaarada.

Cali ayaa sheegay intuu uu ku sugnaa gudaha Safaarada in uu kala soo kulmay arimo foolxun oo aan u wanaagsaneyn qaranimada Soomaaliya .

Muwaadin Cali Cumar Calasow, ayaa sheegay in gudaha Safaarada Soomaaliya ay ka dhex socdaan waxyaabo fool-xun sida qaadashada laaluush iyo handadaad , wuxuuna Madaxda dowladda dhexe gaar ahaan Wasaarada Arrimaha Dibada Axmed Ciise Cawad ugu baaqay in ay arintaasi wax ka qabtaan.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka Muwaadinta Soomaaliyeed ee cabashada ka qabo Safaarada Soomaalida ee Biljimka.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here