Home Wararka Maanta SAWIRRO:-Soomaaliya oo Maqaam sare ku soo dhoweysay Wasiirka Arrimaha Dibada Eretria!

SAWIRRO:-Soomaaliya oo Maqaam sare ku soo dhoweysay Wasiirka Arrimaha Dibada Eretria!

1060
0
SHARE

Wasiirka Arrimaha Dibedda Ereteriya mudane Osman Saleh iyo Lataliyaha Madaxweynaha Ereteriya mudane Yemane Gebreab ayaa soo gaarey magaalada Muqdisho si ay wadahadallo sare ula yeeshaan dawladda Soomaaliya.

Safarkan wafdiga ayaa ku soo beegmaya ka dib booqashadii uu Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ku tegey waddanka Ereteriya.

Wadahadalladan ayaa looga gol leeyahay sidii iskaashi buuxa uu uga dhici lahaa gobolka, kaas oo muhiim u ah horumarka dhaqaale iyo xasiloonida siyaasadeed ee dalalka Geeska Afrika.

Wafdigan ayaa waxa garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyey Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliye mudane Xasan Cali Khayre iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya mudane Axmed Ciise Cawad.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here