Home Wararka Maanta PUNTLAND:- Sadex Musharax oo Isbaheysi Adag Sameystay una heshiiyay Madaxweyne Gaas!

PUNTLAND:- Sadex Musharax oo Isbaheysi Adag Sameystay una heshiiyay Madaxweyne Gaas!

790
0
SHARE

GAROWE:-Puntland ayaa bilowga sanadka danbe waxa ay u diyaar garoobeysaa in ay gasho doorashadii 5aad ee Madaxtinada iyo midka Baarlamaanka,inkastoo uu ilaa iyo haatan muuqan diyaargarow ama saan saan muujineyso in ay doorasho dhici karto marka la gaaro Janaayo 2019-ka.

Balse Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa ku adkeysanyo in doorashada ku dhici doonto wakhtiga loogu tala galay.

Musharaxiinta Madaxtinada Puntland ama hadii aan si kale u dhigo Mucaaradka Xukuumadda Gaas, ayaa dhanka kale wado diyaar garow ay ku doonayaan in ay salaanka kaga tuuraan Ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya haatan ah Madaxa Xukuumadda Puntland.

Ilaa iyo haatan waxaa mowqifkooda musharnimo cadeeyay ilaa 8 Musharax oo ay ku jiraan Rag Wasiiro hore ee ka soo noqday Soomaaliya iyo Puntland.

Balse baaris iyo xuuraansi ay sameysay shabakada Wararka ee Umada News, ayaa waxa ku ogaatay in Sadex Musharax oo ka mid ah kuwa ugu tunka weyn Musharaxiinta Madaxtinimada Puntland ay sameysteen Isbaheysi adag oo ay doonayaan in ay ku bur buriyaan dhufeyska adag ee uu sameystay  Madaxweyne Gaas.

Shalay Magaaladda Garowe ee Caasimadda Puntland waxaa hankiisa Tartanka Madaxtinimada kaga dhawaaqay Cabdi Saciid Juxa oo Wasiir ka soo noqday Puntland iyo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Mr. Juxa oo la sheegay in uu yahay nin karti badan isla markaana afmaal ah ayaa waxa uu sidoo kale isbaheysi la sameystay Labada Musharax ee kale oo iyaguna doonayo in ay kursiga ka tuurtaan Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Musharaxiinta Isbaheysiga la leh Juxa ,ayaa kala ah Khaliif Ciise Mudan iyo Cali Xaaji Warsame.

Cali Xaaji Warsame ayaa doonayo in albaab kasta uu u garaaco sidii xalka ugu tuuri lahaa Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, oo uu ka dhaxeeyo Khilaaf shaqsi ah.

Dhanka kale Khaliif Ciise Mudan oo mar wasiirka Amaanka ka soo noqday xukuumadii Faroole, ayaa dhankiisa waxa uu doonayaa hadii uu ku guuldareysto xilka madaxtinimada Puntland in uu helo Wasiir tayo leh oo damaanad qaad leh.

Sadex-da nin oo ka mid ah jilbo weynta siyaasada Puntland ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay wada galeen heshiisyo rasmi ah oo ay wax ku wada dhisan karaan marka uu midkood ka adkaado Cabdiwali Gaas.

Cali Xaaji Warsame iyo Khaliif Ciise Mudan ayaa labaduba waxaa lagu arkay Xafladii shalay ee uu qabsaday Musharax Cabdi Faarax Saciid Juxa ee ka dhacday Magaalada Garowe.

Yeelkeed Isbaheysigan dhex maray ragaan ayaa waxa uu welwel iyo hurdo la’aan ku ku riday Madaxweyne Gaas, oo isaga sida la sheegayo doonayo in uu Kursiga sii fadhiisto.

Umada News
Garowe-Puntland

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here