Home Wararka Maanta SAWIRRO:-Xaflada Sanadguuradda 20:aad Dowlada Puntland ee Somaliya oo si maqaam sare loogu...

SAWIRRO:-Xaflada Sanadguuradda 20:aad Dowlada Puntland ee Somaliya oo si maqaam sare loogu xusay magaalada Helsinki.

657
0
SHARE

Xaflad si heer sare loo soo agaasimay oo ay isku soo dubarideen Jaaliyada Putland ee dalka Finland (Puntland Society of Finland) ayaa caawa lagu qabtay Wadanaka Finland Caasimadiisa ee Helsinki taa soo ujeedadeedu ahayd sanad guuradii ka soo wareegatay markii dhidibada loo aasaasay Dawlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo ay ka soo wareegatay mudo 20 sano.

Waxaa munaasabada dabaaldagga 1-da August ka soo qaybgalay bulshada qaybaheeda kala duwan iyo madaxda jaaliyada Puntland oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Jaaliyada Eng Geenyo Ali Sayid iyo gudoomiyaha gudiga qabanqaabada Xaflada Hanad Boqor Cabdulaahi Boqor Muuse, waxaa kaloo goobta ka hadlay Masuuliyiinta, culimada iyo Aqoonyahaniinta jaaliyada Puntland ee dalka Finland oo ay kamid ahaayeen C/risaaq Maxamed Ciise Wexrax (Shaarub), Eng Hashim Xaaji Axmed Hirsi , Mahad Amaan Cali, Axmed Xaaji Maxamuud iyo Saacid Cali Axmed iyo Sacdiyo Maxamuud Xayle.

Waxaa sidoo kale xaflada u kala harin waxgarad, isimo, aqoonyahano ,siyaasiyiin,haween iyo wakiilo ka socday jaaliyadaha Galmudug, Jubaland iyo Somali Community. Waxaa qadka teleefanka kaga soo qeybgalay Agaasimaha Guud ee Qurbajoogta Puntlad Eng. Omar shire. Xafladaas oo ahayd xaflad si heersare loo soo agaasimay ayaa ku dhamaatay jawi heer sare ah.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here