Home Wararka Maanta Afarta Dal ee Qaarada Yurub ee Magangalyada Siiyo Qaxootiga Soomaaliyeed!

Afarta Dal ee Qaarada Yurub ee Magangalyada Siiyo Qaxootiga Soomaaliyeed!

2201
0
SHARE

Dowlado badan oo ka tirsan Miowga Yurub ayaa bilaabay in siyaasad weji cusub ah kula dhaqmaan qaxootiga sida sharci darada ah ku imaanayo Qaarada Yurub.

Dowladdo horey looga bartay martisoorka qaxootiga ayaa albaabada ka xidhay Muhaajiriinta Afrikaanta ah ee imaaneyso Qaarada Yurub.

Talyaaniga Malta, Austria ,Holland ,Swedan, Norway iyo Hungary oo safka horey kaga jiray dalalka maganyalada siiya qaxootiga gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed balse hada arintaasi waa ay joojiyeen.

Balse Dowladdaha Germany, Biljimka, Spain iyo Fransiiska ayaa haatan noqday 4 Wadan ee diyaarka u ah in ay magangalyo siiyaan qaxootiga imaanyo Yurub gaar ahaan kuwa ka soo jeedo Dalka Soomaaliya.

France iyo Spain ayaa dhowaan la soo wareegay doonyo ay saarnaayeen muhaajiriin far badan oo ay sii diideen Dalalka Malta iyo Talyaaniga.

Qiimeyn la sameeyay dhowaanayaa lagu ogaaday in Dowladaha Germany iyo Fransiiska ay yihiin labada dowladood ee sida tooska ah magangalyo Joogta ah ama mid kumeel gaarka ah siiyo qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Yuurb.

France ayaa todobaadyadan joojisay in ay dib u celiso qaxootiga leh faraha dublin ah ama ka yimid Dalalka kale ee Yurub.

Si kastaba ha ahaate qaar ka tirsan dalalka Yurub ,ayaa waxaa hogaankooda la wareegay xisbiyada garabka midig ee ka soo horjeeda soo galootiga iyo midowga Yurub.

Warbixintan waxaa qoray
Cabdiqani Cali Dalmar

dalmar@umadanews.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here