Home Wararka Maanta SAWIRO:-Geeska Afrika Maxaa iska bedelay 90ka Maalmood ee Abiy Axmed Raisul wasaare...

SAWIRO:-Geeska Afrika Maxaa iska bedelay 90ka Maalmood ee Abiy Axmed Raisul wasaare ka yahay Itoobiya

581
0
SHARE

Abiy Ali Ahmed oo ah Ra’isul wasaarihii 12-aad ee soo maray Dalka Ethoopiya ayaa xilka ka wareegay 2-dii April ee sanadkan 2018-ka wuxuuna xilka ka kala wareegay Hailemariam Desalegn oo ay ka wada tirsanyihiin xisbiga Ethiopian People’s Revolutionary Democratic Front.

Hadaba su’aasha is weydiinta mudan waxa ay tahay Geeska Afrika Maxaa iska bedelay 90ka Maalmood ee Abiy Axmed Raisul wasaare ka yahay Itoobiya ..??

—————-
1- xiriirka Itoobiya iyo Dalka ay jaarka yihiin ee Jamhuuriyadda Jabuuti oo la soo kordhiyay , itoobiya ee qeyb ku yeelatay dekedda dalka  jabuuti, iyo jabuuti oo qeyb ku yelatay sharikadaha duulimadka iyo isgaarsinta itoobiya.

Sidoo kale Jabuuti ayaa heli doonto adeeg koronto oo xoog badan sida ku cad heshiiska ay wada gaareen Madaxda Jabuuti iyo Ethoopiya.

2- Itoobiya iyo Suudaan oo ka heshiiyay khilafkii xuduuda, itoobiya oo qayb ku yeelatay degeda Portsudan, Sudaan oo balanqaaday biyaha wabiga Nile in aan laga dhimaynin , labada dal oo ganacsigooda sii kordhinaayo.

3- Masar iyo Itoobiya waxay isku haysteen Biyo Xireenka ay Itoobiya ka dhisayso wabiga Nile, kaas oo hoos u dhac u keeni kara Biyaha wabiga ee Masar gaaraya : Itoobiya waxay doonaysay :
-in Biyo Xireenka lagu buuxiyo 3 sano gudaheed.
Masar waxey dooneysay :
-in Biyo xireenka lagu buuxiyo muddo 7 sanadood, waxey sabab uga dhigtay, hadii 3 sano ama ka yar lagu buuxiyo biyo xireenka , uu sababayo in biyaha wabiga Nile ay ka nuqsaamaan Masar, taas oo dhibaato u keeneysa beeraleyda masaarida iyo dhaqaalaha dalka ,sababi kartana amni darro , siyaasad xumo soo wajahda Masar.
ABIYE AXMED wuu u ogolaaday Masar dalabkeedi , 7 Sanadood ahaa.

4- Xiriirkii xumaa ee Itoobiya iyo Kenya waa la saxay, waa la sii xoojiyay.

Waxeyna is afgaradkaasi uu yimid Booqasho rasmi ah uu Magaalada Nairobi ku tegay Ra’isul wasaare Abiy Ahmed wuxuuna kulan gaar ah oo heshiisyo badan lagu gaaray Magaalada Nairobi ku dhex maray Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo Ra’isul wasaare Abiy Ahmed Ali.

5- Soomaaliya iyo Itoobiya waxay isku afgarteen in baal cusub la furto oo wixii hore la iska ilaawo,arimo badan oo mid amni,mid siyaasad,mid dhaqaale ahna way ku heshiiyeen, itoobiya 4 degadood oo Soomaaliya ah maalgashi ku yeelaneysaa, itoobiya waxey ka shaqeeneysaa xoojinta midnimada Soomaaliya iyo Amnigeeda.

6- koonfur Suudaan, dowlada iyo Mucaaradka heshiis baa la dhex dhigay oo wayna kala saxiixdeen.

7- khilaafkii soo jireenka ahaa ee 20 sano ee Itoobiya iyo Eritrea waa la soo afjaray, Abiy Axmed Eritrea ayuu booqasho ku tagay, xiriir diplomasiyaded ayey yeelanayan, dhul ay isku haysteen way kala bedelanayan, Itoobiya waxey isticmaali doontaa degedda Musawac ee Eritrea .

8- Dowlada Itoobiya waxey nabad dhex dhigtay qawmiyadaha dalkaas, saraakiil iyo diplomasiyiin Tigree ahna oo qaswadayaal ahaa baa xilalkooda laga qaaday, iyo Qalbi dhagax oo la soo daayay.

Waxaa qoray :-Dalmar A Warsame

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here