Home Wararka Maanta Xog-hayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Oo La Kulmay Madaxda W/Kuuriya!

Xog-hayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Oo La Kulmay Madaxda W/Kuuriya!

756
0
SHARE

Xog-hayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Mr. Mike Pompeo ayaa booqanaya dalka Kooriyada Waqooyi isagoo halkaasi ku gali doona wada-hadallo ku saabsan soo afjarista Hubka Nuclear-ka Pyongyang.

Arinkan ayaa daba jooga qiimeyn Heya’adda Mukhaabaraadka Mareykanku ay sameysay taasoo lagu ogaadey in Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un uu sii wado horumarinta Barnaamijkiisa Nuclear-ka.

Pompeo, oo uu direy Madaxweyne Trump si uu u soo indho-indheeyo heshiikii ay Singapore ku gaareen isaga iyo Kim, ayaa la filayaa inuu Pyngyang gaaro Jimcahan maanta ah.

Socdaalka Mike Pompeo ayaa ah kii Saddexaad ee uu ku tago dalka Kuuriyada Waqooyi, waana kiisii ugu horeeyey oo uu habeen ku hoyan doono.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here