Home Wararka Maanta DHAGEYSO:- Madaxii Sirdoonka Puntland oo ka hadlay xil ka qaadis uu ku...

DHAGEYSO:- Madaxii Sirdoonka Puntland oo ka hadlay xil ka qaadis uu ku sameeyay Madaxweynaha Puntland!

1159
0
SHARE

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa wareegta ka soo baxday xafiiskiisa waxa uu xilkii ka qaaday Agaasimaha Hay’ada Sirdoonka Puntland (PIA) Cabdirisaaq Ciise Xuseen Khaatumo.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa xilka ka qaaday Madaxii hay’adda amniga PSS C/laahi Aadan Maxamed (C/laalhi Ulle).

Cabdirisaaq Khaatumo ayaa sheegay in xil-ka qaadista lagu sameeyay uu ka maqlay Idaacadaha balse uu soo dhoweynayo go’aanka Madaxweynaha Puntand uu xilka ugu qaaday.

Cabdirisaaq Khaatumo ayaa xilkan hayay mudo 3 sano ah isagoo horey u soo noqday Agaasimaha Hay’ada miino baarista Puntland.

Si kastaba ha ahaate Arrinta ugu weyn, ee lala xiriirinayo xilka ka qaadista mas’uuliyiinta sirdoonka Puntland ayaa loo badinayaa weerar ay dhawaan Al Shabaab ku qaadeen deegaanka Balli Khadar oo ku yaalla buuraleyda Galgala, halkaasoo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan maamulka Puntland.

Halkan ka dhageyso

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here