Home Wararka Maanta Xog:-Cabdiwali Gaas oo la sheegay in uu booqday Tukaraq!!

Xog:-Cabdiwali Gaas oo la sheegay in uu booqday Tukaraq!!

1261
0
SHARE

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali, ayaa galabta la sheegay in uu socdaal kedis ah oo aan la shaacin ku tegay meel u dhow deegaanka Tukaraq gaar ahaan dhanka ay ku suganyihiin ciidanka Puntland.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay isla markaana ka ag dhow xafiiska Madaxweynaha  oo la hadlay Shabakada warbaahinta Umadanews waxa ay u xaqiijiyeen in Madaxweynaha uu ku sugnaa Jiida hore ee isku hor fadhiyaan Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland mudo ku dhow labo saac,

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Mr. Gaas ay socdaalka kadis ah ay ku wehliyeen qaar ka tirsan Golaha wasiirada ee xukuumadda Puntland iyo Taliyayaal ciidan.

Booqashada Madaxweyne Gaas ee Tukaraq ayaa u muuqata mid dhiira galin u ah Ciidanka Puntland ee dirirta kula jira ciidamada Somaliland.

Umada News
Garowe -Puntland

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here