Home Wararka Maanta Xildhibaanadii Tuuray Jawaari oo xilal Wasiir lagu abaal mariyay!Magacyada Wasiirada Cusub!

Xildhibaanadii Tuuray Jawaari oo xilal Wasiir lagu abaal mariyay!Magacyada Wasiirada Cusub!

1136
0
SHARE

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magacaabay Wasiiradii ka banaanaa Xukuumaddiisa.

Illaa Lix Wasiir, Labo Wasiiru dowle iyo shan Wasiir kuxigeen ayaa la magacaabay.

Marka laga reebo Hal Wasiir shanta Wasiir horay ayay u banaanaayeen, waxaana xilkiisa waayay Saadaq C/llaahi Cabdi oo ahaa Wasiirkii Howlaha Guud iyo Guriyeynta oo lagu bedelay C/fataax Maxamed Ibraahim Geesey oo ay Koofur galbeed ka soo wada jeedaan.

Daahir Maxamuud Geelle oo ahaa danjiraha Dowladda Soomaaliya ee Sacuudiga ayaa isna xil wasiir loo magaacabay.

Xubnaha la magacaabay ayaa iskugu jira kuwo ku cusub Masraxa siyaasada iyo qaar horey u soo qabtay xilal muhiim ah.

Magacyada Wasiirada ayaa kala ah

1- Xasan Macalin Xuseen Wasiirka Ow-qaafta Arrimaha Diinta

2- Xasan Cali Maxamed Wasiirka Gaashanadhigga

3- Daahir Maxamuud Geelle Wasiirka Warfaafinta

4- C/casiis C/llaahi Maxamed Wasiirka Tamarta iyo Biyaha

5- Xamza Saciid Xamza Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka

6- C/fataax Maxamed Ibraahim Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta

Wasiiru dowlayaasha

1- Daahir Cabdi C/llaahi Wasiiru dowlaha Ganacsiga iyo Warshadaha

2- Maxamuud Maxamed Buunow Wasiiru dowlaha Amniga

Wasiir kuxigeenada

1- Isxaaq Maxamed Maxamuud Wasiir kuxigeenka arrimaha Gudaha

2- Aadam Isaaq Cali wasiir kuxigeenka Warfaafinta

3- C/raxmaan Iidaan Yoonis Wasiir kuxigeenka Boostada iyo Isgaarsiinta

4- Maxamed Saciid C/llaahi Wasiir kuxigeenka Caafimaadka

5- C/rashiid Maxamuud Xasan Wasiir kuxigeenka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here