Home Arimaha Bulshada Dagaalka Tukaraq oo Dib u Bilowday iyo Khasaare kala Gaarey Labada dhinac.

Dagaalka Tukaraq oo Dib u Bilowday iyo Khasaare kala Gaarey Labada dhinac.

873
0
SHARE

Wararka laga helaayo deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in saakay waaberigii uu dib ugu qarxay dagaalka u dhaxeeya ciidamada maamulka Somaliland iyo Puntland oo maalmihii lasoo dhaafay ku dirirayay halkaasi.

Dagaalka oo ilaa Duhurnimadii maanta xiliga geeska Afrika la isku adeegsanayay hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana wararku sheegayaan inuu ka socdey ilaa seddax aag oo kala duwan.

Lama oga ilaa weli khasaaraha dagaalkaan, hase ahaatee Dowlada Puntland ayaa qoraal uu saakay soo saaray ku eedeeyay Somaliland in ay weerarka soo qaadeen.

Puntland ayaa sheegtay in ay iska difaaceyso duulaan lagu soo qaaday dhulkeeda, iyadoo shacabkeeda fartay inay garab istaagaan ciidamadooda difaacaya sharaftooda iyo dhulkooda.

Khasaaraha Dagaalkan ayaa wali xaqiiqdiisa aan la helin waxaana warar madax banaan ay sheegayaan in labada dhinacba ay jiraan Dhimasho iyo dhaawacba.

Warsaxaafadeedka Puntland kasoo saartay dagaalka saakay

khasaraha dhabta ah ee Dagaalka kala soco wararkena danbe

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here