Home Wararka Maanta SAWIRRO:-Madaxa Golaha Wasiirada Galmudug oo kormeeray Cisbitaalka ee Gobolka Galgaduud

SAWIRRO:-Madaxa Golaha Wasiirada Galmudug oo kormeeray Cisbitaalka ee Gobolka Galgaduud

340
0
SHARE

Madaxa Golaha Wasiirada Maamulka Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir ayaa Maanta Kormeerkan ku tagay Isbitaalka Guud ee Gobolka Galgaduud, wuxuuna u kuur galayey Xaaladaha ay ku sugan yihiin Bukaanada Jiifa iyo Duruufaha uu ku shaqeeyo Isbitaalku, kaasoo ay jaraan Daawa yari iyo Shaqaalaha oo aan Mudo laba Sano ah helin Mushaaraad, Sheikh Shaakir ayaana mid mid u booqday Qaybaha uu ka kooban yahay Isbitaalku.

Agaasimaha Isbitaalka Dr: Axmed Mahdi Maxamed ayaa kormeerka ka dib waxa uu sharaxaad iyo warbixin kooban oo la xiriirta Baahiyaha ugu daran ee Hadda ay qabaan uu siiyay Madaxa Golaha Wasiirada Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir .

Gudoomiaha Gobolka Galgaduud Sheikh Axmed Cali Jimcaale ayaa Maamulka iyo Shaqaalaha Isbitaalka ugu baaqay inay u dhabar adeegaan Shaqada ay Bulshada u hayaan lana gaari doono Waqti la helo waxyaabaha loo baahan yahay.

Madaxa Golaha Wasiirada Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir ayaa waxa uu Wasaarada Caafimaanka Dowlada Soomaaliya iyo Hay’adaha ugu baaqay inay wax ka qabtaan Baahiyaha Caafimaad ee ka jira Deegaanada Galmudug.

Isbitaalka Guud ee Gobolka ayaa waxa uu daboolaa Baahiyaha Caafimaad ee Gobolada Dhexe ee Soomaaliya waxaana looga yimaadaa Meelo aad u fog fog.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here