Home Arimaha Bulshada DR. CALI CUSMAAN: “15-ka MAY MAALIN IN LA XURMEEYO MUDAN”+SAWIRRO

DR. CALI CUSMAAN: “15-ka MAY MAALIN IN LA XURMEEYO MUDAN”+SAWIRRO

411
0
SHARE

Dhalinyaradii S.Y.L. waxay soo galeen Halgan naftiis hure ah oo ay geliyeen waqti aad u qaali ah,waxey quureen naftooda qaaliga ah si ay u gaaraan hadafkii ay tiigsanaayeen oo ahaa in Soomalia laga dul qaado heeryadii gumeysiga,waxaan halgankooda sahlay iyadoo ay ka dhexeysay kalsooni iyo is aaminaad ku qotontay Soomalinimo iyo islaanimo,waxay diiradda saareen in la helo Ummadda Soomaaliyeed oo xor ah,lagana feejignaado hagardaamooyinka isticmaarka oo aheyd qeybi oo xukun,halkudhigoodana waxa uu ahaa AXYAA WADANI,YAA SOOMAALI AHEY AXYAA WADANI,waxayna isku guubaabin jireen halkudhig kale oo caan noqday saldhigna uu ahaa in ay gaaraan bartii ay tiigsanaayeen oo ahaa……KANA UGAAS AH KANA ADDOON AH WAA IN AAN ILOOWNAA,ABTIRSAMADEENI QABALIGA AHEYD WAA IN AAD TUURNAAYEE.

Taarikhda Ururka Dhalinyaradda Soomaaliyeed laguma soo koobi karo hal qormo,laakiin waxaan isku dayeynaa in awoodeyna ah,waxaana ugu hormarinayaa kuwii bud dhigayaasha aasaaskii S.Y.L. oo kala ahaa;.

1)Yaasiin Xaaji Cusmaan.2)Cabdulqaadir Shiikh Sakaawadiin.3)Xaaji Maxamed Xusen.4)Maxamed Cusmaan Baarbe.5)Siyidii Nuur Xirsi.6)Maxamed Cali Nuur.7)Daahir Xaaji Cusmaan.8)Cusmaan Geedi Raage.9)Maxamed Faarax Hilowle.10)Dheere Xaaji Dheere.11)Mxamed Cabdalla Xayeesi.12)Xasan Maxamed Nuur13)Cali Xasan Maxamed(Verdura).

Halgamayaashii waxay durbadii bilaabeen in ay dejiyaan barnaamijkii Xisbiga S.Y.L. yeelan lahaa si hawlaha baaxadda lahaa ee waagaa hor yiilay loo sii ambaqaadi lahaa,waxaana la isla gartay qodobadaan.

-In Halgan adag loo galo Gobanimadda Ummadda Soomaaliyeed lana xaqiijiyo Madaxbanaanideeda.
-In Somaaliweyn la raadiyo(Shanta Soomaali) lana unko hal maamul oo ay wada harsadaan.
-Waxa la isla gartay in ay aqoon la’aani ay tahay iftiin la’aan iyadoo la isku raacay in dhalinyaradda Soomaaliyeed aqoonta loo jiheeyo waxna la baro.
-In sida ugu dhaqsi badan loo qoro Farta Soomaalida.
-In la wacyi geliyo shacabka Soomaaliyeed lagana dhaadhiciyo muhimadda ay leedahay Gobonimadda iyo Madaxbanaanida.
-In Xadida loo siibo qabyaaladda,quursiga iyo is takooridda.

Ururkii Dhaliyaradda Soomaaliyeed waxay marka ka dib bilaabeyn in la faafiyo ujeedada iyo himilooyinka uu xisbigaani tiigsanayaan,waxaana markii ugu horeysay la magacaabay Cabdulqaadir Sakhawadiin in uu noqdo Gudoomiyaha Uruurka,Xaaji Maxamed Xusen Gudoomiye Kuxigeen iyo Yaasiin Xaaji Ismaaciil uu noqdo Xoghayaha Uruurka,

waxaana markii ugu horeysay lagu guuleystay in dhiisigii Ingriiska ahaa loo gudbiyo Magaca Uruurka isagoo loo tusay in uu yahay Uruur dhalinyaro,waxaana uu dhisigii ka digay in la sameeyo wax alla waxii dhibaato keeni kara gaar ahaan xasilonidda dalka,

waxaa talaabadda xigta aheyd in Goboladda Soomaaliyeed loo gudbiyo Siyaasadda iyo himilooyinka uu xisbiga tiigsanaayo,iyado Goboladda iyo Degmooyinka Soomaaliyeed laga helay fariimo dhiri gelin ah oo ka timid qeybaha kala duwan ee bulshadda,taa waxay noqotay farxad ku soo korortay Hogaamiyayaashi xisbiga,waxaana xafiisyo laga furay dhamaan Goboladda sanadku markuu ahaa 1943,waxaana gacmaha is qabsaday Ummadda Soomaaliyeed meel kastoo ay joogto.

Uruurkii dhaliyaradda ee S.Y.L.,waxay laba jibaareen halgankii ay ku doonaayeen in shacabka Soomaaliyeed looga tuuri lahaa heeryadda Gumeysiga,waxaana si cad loogu dhawaaqay in Xisbiga S.Y.L. yahay xisbi siyaasadeed,oo diyaar u ah in uu geliyo juhdi badan si loo heli lahaa Somaliweyn,waxaana nasiib daro Geeriyooday Marxuum Yaasiin Xaaji Cusmaan oo ka mid ahaa udub dhexaadka Xisbiga,

waxaana lagu bedelay Mudane Cabdulaahi Ciise oo shacabka Soomaaliyeed ugu shaqeeyey si daacadnimo ah oo ay ku dheehantay Soomaalinimo waxaana uu guulo fara badan ka soo hoyiyey Gudaha iyo dibadaba isagoo akhiritaankii noqday Raisul wasaarihii ugu horeeyey oo ay yeelato Soomaaliya sanadku markuu ahaa 1956dii.

DHACDOOYINKA LAGU XUSUUSTO S.Y.L.

  1. 11 Janaayo 1948 waxa Soomalia loo soo diray Dawladihii kala ahaa Mareykanka,Ingriiska,Fransiiska iyo Ruushka,kuwaa oo u xilsaarnaa in ay xaqiijiyaan in ay Ummadda Soomaaliyeed ay u bisishahay xoriyadda iyo himilooyinkooda siyaasadeed,waxaana xisbigii S.Y.L. ay diyaariyeen shacab ka wada yimid goboladda si ay u muujiyaan rabitaankooda xoriyadeed,soo bandhigaan cuduudooda oo aheyd mid ashqaraar ku riday Dawladii lagu magacaabaayey FOUR POWER COMMISSION.

2) Maalinimadda 11 Janaayo 1948 waxaa Naadigii S.Y.L. soo weeraray kooxo Somali ah oo dabadhilif u ahaa Talyaayigii iyo cutubyo talyaani ah,waxaana halkii Talyaaniga looga dilay 54 Talyaani ah,waxaana halkii ku shahiiday Xaawo Cusmaan Taako,oo ugu dambeyntii Talo loo dhisay.

3)Taarikhdu markey aheyd 5tii Oktoobar 1949 waxa dhacay Mudaaharaadkii Dhagaxtuur,Askartii Ingriiska aheyd waxa fureen xabado halkaana waxa ku shahiiday 2 Somali ah,waxayna Soomalidii ku dagaalamayeen Dhagax,waa arrinta midda loogu bixiyey Dagaalakii dagaxtuur.

Ugu dambeyntii waxaan soo jeedinayaa talooyin ku aadan meesha aan maanta mareeno,waxaad qof kastaba ogyahay halganka loo soo maray xoriyadda aan maanta haadaanta ka tuurnay,waxaan talo ku soo jeedinayaa sidata.

1)Waxaan weli ka boogsoonin xanuunkii aan ka qaadnay qeybsigii dawladaha Afrikaanka sanku markuu ahaa 1884,halkaa oo Soomali shan waaxood loo qeybiyey oo kala ahaa,Somali Jabuuti,Somali Ethiopia,Somali Kenya,Somali Ingriis(Waqooyi Galbeed) iyo Somali Talyaani(Koonfurta Soomaali),waxaase hadda loo qeybiyey 7 waaxood oo kala ah,Somali land,Puntland,Galmudug Land,Hirshabelle Land,Banaadir Laand,Koonfur Galbeed Land iyo jubaland.waxaana iska cad dabinkii isticmaarka in aan mar kale ku dhacnay,lana hareero maray himiladii aheyd Somaliweyn.qof kastoo ogow in taarikhda meesha aad ka mudan tahay in aad ka galeyso,ummadda Soomaaliyeedna ay kula xisaabtami doonto.

2)Qabiil walle in uusan Qaran noqoneynin…..Taarikhda dib u fiiri.
3)Fadlan dhalinta Soomaaliyeed waxaad bartaa qiimaha uu leeyahay Calanka Soomaaliyeed oo buluga ah iyo waxa loo soo maray.

4)Waxa jira hal Somali,hal Calan….fadlan intaa jiilalka soo koraayo bar………..
Ugu dambeyntii waxaan mahad gaar leh u jeedinayaa Raisul wasaaraha Mudane Kheyre,Wasiir Isboortiga Marwo Khadiijo Diriye ,Taliyaha Ciidanka Asluubta Jen. Bashiir Maxamed Jaamac iyo Duqa Magaaladda Mudanae Inj, Yarisow sida ay u weyneyeen maalinta qadarinta mudana ee 15 May oo runta muujineysa sida dawladda Nabad iyo Nolol ay diyaarka ugu tahay in ay shacabkooda kala qeyb galaan maalmaha qadarin mudan oo ay ummadda Soomaaliyeed Iloobi karin…..Shacabka waa uu idin Mahadcelinayaa.

 SOMAALI HA NOOLAATO 15 MAY HA JIRTO

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here