Home Wararka Maanta SAWIRRO:-Garoonka Diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir oo lagu sameeyay naqshadeyn casri ah iyo...

SAWIRRO:-Garoonka Diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir oo lagu sameeyay naqshadeyn casri ah iyo MD Gaas oo booqday!

1235
0
SHARE

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta booqday garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee magaalada Garowe, kaas oo hada maraya qeybtii ugu danbeysay ee naqshadeynta iyo qurxinta,

Booqashada Madaxweyne Gaas ee garoonka diyaaradah Garowe waxaa ku wehelinaayey Wasiiro, xildhibaano, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada iyo masuuliyiin kale, wuxuuna Madxweynuhu mudadii uu ku guda jiray booqashadiiisa kormeer ku sameeyey dhammaan qaybaha uu ka kooban yahay garoonku.

Qeybta dejinta iyo rarida xamuulka diyaaradaha ee garoonka ayaa mudadii Madaxweyne Gaas booqashada ku joogay lagu soo bandhigay galabka socodsiinta shaqada oo ahaa mid casriya oo loogu talagalay in si dhamaystiran loogu hawl galo.

Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee magaalada Garowe oo ah mid caalamiya waxaa dhisay shirkad laga leeyahay dalka Turkiga, waxaana 8dii Janaayo ee sanadkan xariga ka jaray Madaxweyne Farmaajo.

Garoonka waxaa mudooyinki danbe ka socday nashqadayn iyo qalabayn taas oo hada mareysa gebogebo, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda garoonku si toos ah u shaqo bilaabo.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here