
Shabakada Umada News ayaa heshay xog rasmi ah oo la xidhiidhra in Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu ka qeyb gali doono ciyaarta finaalka ee tartanka 17jirada ee Bariga iyo bartamaha Afric ee dhex mari doono Soomaaliya iyo Tanzania.
Madaxweyne Farmaajo ayaa galinka hore ee axada waxa uu u ambabixi doono Dalka Burundi gaar ahaan Caasimadda Bujunbura si uu niyada ugu dhisan wiilasha qaranka Soomaaliya ee 17 sano jirada ah.
Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa la filayaa in Madaxweyne Farmaajo ay ku wehliso ka qeyb galka ciyaarta finaalka ee Soomaaliya iyo Tanzania.
Ciyaaryahanada xulka 17 jirada dalkeena ayaa kulankii nus dhamaadka waxay la yeesheen dhigooda Ugandha waxaana 1-0 Somalia guushu ku raacday.