Home Arimaha Bulshada Sawiro:-Shirkii Gudoonka Cayaaraha ee Dalka Switzerland oo Lasoo Gabagabeeyay.

Sawiro:-Shirkii Gudoonka Cayaaraha ee Dalka Switzerland oo Lasoo Gabagabeeyay.

1479
0
SHARE

Waxaa lasoo Gababgabeeyay kulankii 2aad ee Cayaaraha Soomalida ee Dalka Switzerland looga arinsanayay waxaana halkaa isugu yimi kooxo kala duwan gudiyo Qubaro dhanka Cayaaraha ah  wax garad Albitrayaal Tabarayaal iyo Qayb kamid ah Jaaliyada Somalida ee Dalka Switzerland.

Shirkaa ayaa waxaa uu ka dhacay Caasimada Dalka Switzerland ee Bern madama shirkan kii ka horeeyay lagu balamay in mar labaad Berna laysugu imaan doono.

Ugu horeyn waxaa hadalka Furay Gudoomiyaha kooxda Fc Somali Swiss oo iyagu marti loogu ahaa hoygooda Berna ahaana martigaliyayaashii kulankii Hore waxaana Gudoomiye Qaasim Abiikar uu furey madasha kadibna waxaa lagu wareejiyay gudiga Sports ka inay qaataan hadalka oo runtii u muuqday kuwa si wayn usoo diyaargaroobay.

Hadaba waxay Gudiga miiska soo saareen howshoodii iyo diyaargarowgii ay isku diyaariyeen waxaana ay sheegeen in ay go,aansadeen in hoosha ay sii dardargaliyaan lana qaban doono LIGA halka Markii hore sanad kii mar qura uun ay kooxaha is arki jireen isla markaan qaab dhibca ah Finalka lagu tagi doono.

Arinkaas ayaa laga Munaaqashoodey waxaana ay noqotay mid dhamaan laysku raaco LIGA-ha kadib markii ay sharxeen qaabka uu u qabsoomayo Ligan iyo sharciyada looga baahan yahay kooxaha.

Gudiga Cayaaraha kubada Cagta ee dalkan Switzerland ayaa dhankooda ku celceliyay in Cayaaraha la ciyaari doono aan laga maarmi doonin is xushmeyn Anshax wanaag iyo wadashaqayn waxaana ay sheegeen in gacantooda kali ah aan lasugin ee si wadajir ah loowada shaqeeyo waxaana ay sheegeen hadii lala shaqeeyo in ay iyaguna howlaha Cayaaraha wadankaan ay sare u qaadi doonan.

Gudiyada ufadhiyay kooxaha ayaa gabi ahaanba aqbalay codsiga Gudiga Cayaaraha ay usoo jeediyeen  una mahadceliyay Gudiga Cayaaraha qaabka wanaagsan ee ay usoo diyaariyeen Agenda-hooda.

sidoo kale Gudiga Sare ee Cayaaraha ayaa la balaariyay waxaana lagusoo Kordhiyay 4 Shqasi kuwaasi oo ka kala socda Gobolada kala duwan ee wadanka Switzerland,  Gobolka Geneva 1-xubin Lausanne hal xubin  Bern- hal xubin  iyo Appenzel oo iyaduna halxubin ah sidaasi waxaay Gudiga ku noqon doonan (8 Xubnood) halka sanad kii Qura laysku arki doono 4 koob kuwaasi oo kala ah  Koobka Ramadanka Koobka Sommerka iyo LIGAHA iyo waliba Kan Winter-ka xiliga Qaboobaha.

Hadaba Halkaan KaDaawo Sawirada Kulankii Cayaaraha ee Dalkan Switzerland.

 

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here