Home Wararka Maanta DAAWO:-Mooshinkii laga gudbiyey gudoomiyaha degmada Garoowe oo laga heshiiyey!

DAAWO:-Mooshinkii laga gudbiyey gudoomiyaha degmada Garoowe oo laga heshiiyey!

772
0
SHARE

Khilaaf mudooyinkii ugu danbeeyay ka dhex taagnaa Golaha Deegaanka Degmada Garowe ee Gobolka Nugaal ayaa xal laga gaaray.

Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Maxammed(Fara-weyne) Duqa caasimadda Garoowe,Xassan Maxammed Ciise(Goodir), iyo xildhibaannada Golaha Degaanka Garoowe oo si wadajir ah Saxaafadda ula hadlay ,ayaa cod midaysan ku sheegay in xal rasmi ah laga gaaray khilaafkii ka dhashay mooshinkii laga gudbiyay,duqa degmada Garoowe,Xassan Maxammed Ciise.

Xildhibaannada ayaa sheegay in muranka ka dhashay mooshinka uu khatar geliyay mashaariicda horumarineed ee ka socda Garoowe,sidaasi darteedna ay go’aansadeen in xal rasmi ah laga gaaro.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here