Home Wararka Maanta Wadahadallo xasaasi ah oo Moscow ku dhex maray Vladamir Putin Sheikh Tammiim...

Wadahadallo xasaasi ah oo Moscow ku dhex maray Vladamir Putin Sheikh Tammiim Bin Hamad Al-Tani

945
0
SHARE

Amiirka Dowladda Qatar Sheikh Tammiim Bin Hamad Al-Tani ,ayaa maanta dalka Raashiya wadahadal kula leh Madaxweyne Vladamir Putin ,kadib markii uu shalay gaaray dalkaasi.

Kulanka maanta ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa qodobo ay ka mid yihiin xal u helidda dagaalada ka socda dalka Suuriya,aruimaha ka taagan dalka Yemen iyo xaaladda ay ku sugan yihiin dadka reer Falastiin

Safarka Sheikh Tamim ee dalka Raasjiya waxaa ka horeeyay Taleefan dhinaca khadka isgaarsiinta ah oo horaantii bishaan dhexmaray madaxweyne Putin iyo dhaxal sugaha Abu Dhabi Prince Mohammed bin Zayed iyo sidoo kalemid bishii Febraayo lala yeeshay boqorka Sacuudiga Salmaan.

Putin iyo Sheikh Tamim waxaa ay sidoo kale ka wadahadli doonaan mowqifka xuuumadda Mosko ee madaxweyne Bishaar Al-asad,taageerda Qadar ay u fidiso mucaaradka uuriya iyo suurtogalnimada sida Qadar ay uga qeybgali karto dib u dhiska dalka Suuriya.

Ruushka ayaa loo maleeyaa ama u muuqda mid dhexdhexaad ka ah xiisadaha ka taagan Gacanka,hasa yeeshee sanadkii tagay waxa uu dalka Qadar ka caawiyay dhinaca raashinka ku raran maraakiibta ee laga dajiyay dekedaha dalkaasi,kadib kolkii wadasmada khaliijka ay cunaqabateyn ku soo rogeen Qadar.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here