Home Wararka Maanta Gudigii hore ee Gudoonka Sports-Ka ee Dalka Switzerland oo Aqbalay sii Wadida...

Gudigii hore ee Gudoonka Sports-Ka ee Dalka Switzerland oo Aqbalay sii Wadida Howlaha Sports-ka Soomaliyeed.

2524
0
SHARE

Kulan balaaran ayaa waxaa uu ka dhacay Caasimada Dalka Switzerland ee Bern waxaana kasoo qayb galay dhamaan Gudiyada isboortiska Soomaliyeed ee dalka Swisska kuwaasi oo si xeel dheer ulafa gurey arimaha sportiga dalkan Switzerland.

Kulankan waxaa goob-joog ka ahaa gudiyada u matalaya gobol kasta koobab ka laqaban doona xiliyada Kuleelaha Qaboobaha iyo Ramadan ka wadankan switzerland waxaana laga dhageestay cabasho badan oo ay ka tabanayeen Gudiya iyaga ismagacaabey kuwaasi oo maamul aan dhameestirneen u soo dhandhigay kooxaha kasoo qayb galay kulamo ay qabteen waxaana Gudigan oo ah kuwa iyaga waligood kasoo shaqaynayay sports ka ay balan qaadeen in ay wax badan ay ka badali doonan sports ka Somalida ee Wadanka Switzerland.

Kulankaan ayaa waxaa xigi doona kulan kale kaasi oo si deg deg ah u qabsami doona kaasi oo lagu soo magacaabi doono gudiga khilaafaad ka sidoo kale laguna dhameestiri doono gudigii horey dalkan oga Jirey kana soo shaqeeyay.

Shaqsiyaad ka isugu jirey Macalimiinta iyo Maamulayaasha kooxaha  ayaa amaan uso jeediyay Gudigii hore ee gacanta ku hayay sports ka sidoo kale usoo jeediyay codsi ah in ay hooshoodii sii wadaan kulanka danbena loo dhameystiri doona Xubnaha ka dhiman gudigan.

Hadaba waxaa ka kamid ah Gudiga Sports- ka Wadanka Switzerland

1.Cabdiwali Axmed Cabdullahi                                                                                       2-Cawil Nuur Cumar                                                                                                     3- Cabdulraxman Ciiltire iyo 5 Xasan Ciise Warsame.

Gudigan ayaa waxaa laga sugayaa dardargalinta hoolaha ku soofool leh waxaana dhankooda ay sheegeen in ay doonayaan dhamaan dhaliyarada kubada Cagta ee Dalka Switzerland macalimiinta Maamulashaayada in ay oga baahan yihiin wada shaqayn iyo isku tanaasul iyo sidoo kale Anshaxa kubada cagta waxana ay sheegeen in kaligood aysan riixi karin hadii aan lala dardargalin.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen gudigan iney ubaahan yihiin isku duubni dhamaan bahda Cayaaraha Switzerland iyagoo ku baaqay in wada jirka uu ka wanaagsan yahay kala taga iyagoo sheegay inaysan dad ka dhan aysan kawada farxin karin balse aysan noqon doonin kuwa dad ka oo dhan ka xanaajiya waxaana ay balanqaadeen in shaqadooda si daacadnimo ku dheehan ay u gudan doonan iyaga oo aan kala jeclaysi aan ku jirin.

Goob-joogayaal kamid ahaa Qurada ku xeel dheer Cayaaraha Somalida ee dalkan ayaa soo jeediyay iyaguna in Cayaaraha iyo tartamada aan lagu ekeen kali ah kubada balse ay jiraan xirfado badan oo Sports- ka ah sida Tartamada Baskiil wadida orod ka iyo bootinta dheer waxaana ay sheegeen in Somalida ay ka qaybqaadan kartaan madama wadamada Dariska la ah soomaliya ay si aad ah oga qayb qaataan waaxaana dhaliarada ay ku dhiirigaliyeen in isku dayga uu yahay guusha nuskeed waxaana uu noqdey fakirkaas mid gudiga iyo dhamaan kasoo qaybgalayaasha ay isku raaceen in Tartanada la badiyo in lasameeyo liiga asbuucla ah oo Asbuuc walba kooxaha ay is arkaan .

hadaba kulan danbe iyo waxii kasoo Cusboonada kala Socda wararkeena danbe .

 

 

 

 

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here