Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya, Mahad Cabdalla Cawad, ayaa sheegay in mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari inuu xiriir la leeyahay sharcigii baarlamaanku ansixiyey ee mamnuucayey shirkadda DP World.
Hadalkan ayaa ka dambeeyey xilli uu cirka isku sii shareerayo khilaafka u dhexeeya xildhibaannada taabacsan xukuumadda iyo kuwa difaacaya guddoomiyaha baarlamaanka.