Home Wararka Maanta Maamulka Hir-shabelle oo Wiil 16 jir ah u magacaabay Gudoomiye Degmo

Maamulka Hir-shabelle oo Wiil 16 jir ah u magacaabay Gudoomiye Degmo

509
0
SHARE

Wiil aad u da’yar oo lagu magacaabo Faysal Cabdulaahi Cumar oo 16 sano jir ah isla markaana dhigta Fasalka 4aad ee Dugsiga sare oo ku yaal Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle ayaa dhawaan loo magacaabay Gudoomiye ku xigeenka dhanka arimaha Bulshada ee degmada Gamboole ee Gobolka Sh/Dhexe.

Wiilkaan yar ee 16 jirka ah ayaa lagu magacaabay wareegto ka soo baxday xafiiska wasiirka arimaha gudaha ee Maamul# goboleedka Hirshabeelle.

Faysal Cabdulaahi Cumar oo Warbaahinta la hadlaz ayaa tilmaamay in la soo magacaabay isaga oo aan ogeen, mar qur ahna ka warhelay in xil loo magacaabay, wuxuuna meesha ka saaray in lagu war giliyay in xilkaas loo magacaabayo, wuxuu sidoo kale sheegay in uu aad ula yaabay sida fudud ee loogu magacaabay xilka Gudoomiye ku xigeenka dhanka arimaha Bulshada ee Degmada Gamboole ee G.SH/dhexe wuxuu kalo uu tilmaamay in xilalka hadda loo maro dhibaato badan oo lagu bixiyo lacago badan, laakiin isaga aanu ogeen waxa sababay in xilkaas loo magacaabo.

Wiilkaan ayaa ugu dambeyn ugu mahadciliyay maamulka Hirshabelle magacaabista ay u magacaabeyn Gudoomiyaha Degmada Gamboole ee Gobolka Sh/Dhexe, wuxuuna sheegay in uu xilkaas iska Casili doono maalmaha Soo socda, kadib markii uu sheegay in uusan awoodin gudashada Xilkaas loo magacaabay.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here