Home Wararka Maanta WAR DEG DEG:- Nabaddoon Caan Ah Oo Lagu Dilay Muqdisho

WAR DEG DEG:- Nabaddoon Caan Ah Oo Lagu Dilay Muqdisho

1077
0
SHARE

Nabadoon caan ah oo ka mid ah Nabadoonada Gobolka Hiiraan ayaa maanta lagu dilay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Nabadoonka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Axmed Cabdulle Jimcaale, oo ka tirsan nabaddoonnada Hiiraan .

Nabadoon Axmed Cabdulle Jimcaale, waxaa uu nabadoon u ahaa beesha u tartantay kursiga uu sanadkan Janaayo 28  ku soo baxay Xildhibaan Nuur Iidoow Beyle.

Sanadihii u dhaxeeyay 1999-2009,  wuxuu ahaa maamulihii iskuulka hose/dhexe/sare ee  mujamac Dhiiba tacliim, ee magaalada Beledweyne.

1990-kii,  wuxuu ka mid ahaa maamulkii degmada Maxaas ee G/Hiiraan.

Waxaa uu ahaa aqoonyahan waxbadan ka qeeybqaatay hanaanka waxbarasho ee G/Hiiraan.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here