Home Wararka Maanta WARBIXIN:-Labo Musharax oo Hurdada u diiday Madaxweyne Cabdiwali Gaas oo soo baxay!

WARBIXIN:-Labo Musharax oo Hurdada u diiday Madaxweyne Cabdiwali Gaas oo soo baxay!

3480
0
SHARE

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa halgan adag waxa uu ugu jiraa sida uu mar kale u noqon lahaa Madaxweynaha Puntland .

Cabdiwali Gaas oo 52 jir ah ayaa talaabo kasta waxa uu u qaadayaa sidii uu xafiiska u sii joogi lahaa ilaa 2023-da.

Balse Waxaa jira musharaxiin dhowr ah oo doonaya in ay kursiga kala wareegan Madaxweynaha Puntland.

Hada waa kuwee musharaxiinta culeyska badan ku hayo Madaxweyne Gaas??

Faarax Cali Shire oo mar wasiirka Maaliyadda ka soo noqday Xukuumadii Faroole iyo Saciid Xasan Shire oo mar noqday Wasiir iyo Gudoomiye Baarlamaanka ayaa ah labada shaqsi ee hurdada u diiday Madaxweyne Gaas.

Waxaa la fahansanyahay in Faarax Cali uu yahay shaqsiga laga cabsi qabo in uu kursiga ka tuurto Cabdiwali Gaas marka la gaaro 2019-ka, sidoo kale Saciid Xasan Shire ayaa isna ah nin aan la dhayalsan karin oo maqaam sare ku leh Puntland.

Madaxtooyada Puntland ayaa si ay hoos ugu dhigto dardarta labadan musharaxa waxa ay adeegsatay dhalinyaro iyo wariyayaal isticmaala baraha bulshada kuwaa oo qoraalo aflagaado ah ka sameeyay Musharaxiintan.

Qiimeyn ay sameysay shabakada wararka umadanews ayaa waxa ay ku ogaatay in Faarax Cali Shire iyo Saciid Xasan Shire ay yihiin labada shaqsi ee isugu soo hari doono wareega ugu danbeeyay doorashada Madaxtinimada Puntland 8-da Janaayo 2019-ka.

Umada News
Xafiiska Garowe-Puntland

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here