Home Wararka Maanta WAR DEG DEG:-Jawaari oo Fashliyay Mooshin La Doonayay In XIlka Looga qaado!

WAR DEG DEG:-Jawaari oo Fashliyay Mooshin La Doonayay In XIlka Looga qaado!

1097
0
SHARE
Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan jawaari ayaa ka hortagay mooshin ay xildhibaanada qaar ee Baarlamaanka doonayeen in ay xilka uga tuuraan kaas oo soo ifbaxay aroorti hore maanta oo arbaco ah.
Kulan deg deg ahaa oo ay yeesheen Gudiga joogtada ah ee Golaha shacabka ayaa lagu gorfeeyay mooshinka laga keenay Gudoomiye Jawaari.
Gudiga ayaa kulanka kadib waxaa ay sheegeen in ay mooshinka saxiixeen 107 xildhibaan ayna kalaabteen 16 xildhibaan , mooshinkana  ku hareen 91 xildhibaan , waxaana ay gudiga sheegeen in tirada rasmiga ah ee saxiixa mooshinka looga baahanyahay ay tahay 92 xildhibaan sidaasna mooshinki ku hungoobay.
Sidoo kale Prof Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari gudoomiyaha Golaha shacabka oo dhankiisa hadlay ayaa u mahadceliyay xildhibaanada ka hortagay mooshinka ka dhanka ah isagoo baaq ugu diray xubnaha Golaha shacabka in ay ilaaliyaan midnimada.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here