Home Wararka Maanta Dhibaatooyinka Dalkujoogga (Visa) Ee Haysta Ardayda Soomaaliyeed Ee Wax Ka Barata Dalka...

Dhibaatooyinka Dalkujoogga (Visa) Ee Haysta Ardayda Soomaaliyeed Ee Wax Ka Barata Dalka Pakistan Tan Iyo Intii Lasoo Magacaabay Amb.Khadija Mohamed Al-Makhzuumi.

1578
0
SHARE

Ardayda Soomaaliyeed ee Ku nool dalka Pakistan waxa ay wax ka bartaan Jaamacado kala duwan oo ku kala yaal dhammaan gobolada dalka, Ardaygu marka uu imaanayo waddanka pakistaan waxaa marka kowaad looga baahan yahay in uu aqbaalada jaamacadda (Admission) ka helo mid kamid ah jaamacadaha dalka dabadeedna waxa uu wakaaladda waxbarashada ee waddanla loona yaqaan Higher Education Commission (HEC) ka helayaa warqadda warqada Non Objection Certificate(NOC), ugu danbayna waxa wasaaradda arimaha gudaha ee wadanku ardayga ay siinaysaa warqad caddaynaysa in loo ogolaaday ardayga in uu waxkabarto waddanka warqaddaasna waxaa loo yaqaan Grant visa letter, marka uu ardaygu gacanta ku dhigo document-yada aan kor kusoo xusay ayuu passport giisa iyo documents kaas oo is wata waxa uu la tagi jiray safaaradda wadanka Pakistan uu ku leeyahay magaalada Nairobi ee wadanka Kenya si dalkujooga (Visa) loogu saaro passport-kiisa. Waxaa xusid mudan in dhammaan warqadaha aan kor kusoo xusay ay ku bixi jirtay lacag aad u yar marka loo eego lacagta wakhti xaadirkaan la iska qaado, iyadoo aan oran karo way ka yarayd labo meelood meel tan hadda la iska qaado oo sida la wada ogsoonyahay ay qaadato Amb.khadija Al-makhzuumi ee aan ahayn mid si sharciya ay usoo saartay dawladda Pakistan.
Waxa uu ardaygu si toos ah u bilaabi jiray jaamacada uu jecalyahay islamar kaasna bixisa maadada uu doonayo, waxaa kale oo ardayga u furnayd inuu si toos ah u bilaabo jaamacaddii uu dalka kusoo galay maahee jaamacad kale isaga oo raacaya rabitaankiisa iyo hadba maadada uu doorbidayo, wax xujo ahna kuma ay xiri jirin jaamacaddii uu kusoo galay waddanka sababtoo ah ardaygu ilaa uu wadanka yimaado doorasho toos ah masamayn karo, taasina waxa ay ardayda u saamixi jirtay in arday walba uu xusho maadada uu doorbidayo iyo jaamacadda uu is leeyahay waad ka bixi karaysaa, taasoo meesha ka saaraysa in ardaygu la kulmo caqabad dhanka waxbarashada ah.

Sida aan kor kusoo xusay dalkujoogga (visa) ardayga laga soo siin magaalada Nairobi waxa uu ku muddaysanyahay sanad, ardaygu marka uu sanad waddanka joogana waxaa laga rabaa inuu cusboonaysiiyo dalkujoogiisa (Visa), waxaa ardaygu markaas jaamacadda uu dhiganayo ka qaataa warqad caddaynaysa inuu jaamacadda si toos ah u dhigto taas oo loo yaqaan Bono fide Letter, markas kadib ayuu raaciyaa dhammaan documents kii kale ee uu waddanka kusoo galay, markaas kadib ayay wasaaradda arimaha gudaha ee wadanka Pakistan hubisaa documents ka uu ardaygu ku dalbaday cusboonaysiinta dalkujooga, waxaa kaloo xusid mudan in ardaygu warqad kasoo qaadan jiray safaaradda taasoo tibaaxaysa codsi ku socda wasaaradda arimaha gudaha oo oranaysa waxaanu idinka codsanaynaa inaad ardaygaas u fududaysaan codsigiisa uu ku dalbaday cusboonaysiinta dalkujooga. Sida la wada ogsoonyahay waxa keliya ee ardaygu safaaradda uga baahdana waxa ay ahayd warqaddaas oo arday walba laga qaadi jiray lacag $5 ah, iyadoo ay dhici jidhay in ardaygii cududaar la yimaada ay masuuliyiinta safaaraddu tixgelin siin jireen codsiga ardayga.

Haddaba maxaa is badalay markii lasoo magacaabay Amb.Khadiija Al-Makhzuumi
______________________________________________________________________________________________________
Markii ay xafiiska la wareegtay amb.khadiija Al-makhzuumi waxa ay bilowday inay la kulanto dhammaan hay’adaha qaabilsan waxbarashada ee dalka Pakistan iyo qaar kamid ah jaamacadaha dalka, waxa ayna kala hadashay ujeedooyin ay wadatay oo ay doonaysay inay u hirgalaan.
Ujeedooyinka ay ula kulantay hay’adaha waxbarashada ee dalka ayaa ku salaysnaa inay dhammaan hawlihii hay’adaha waxbarashada ee dalka Pakistan u qaban jireen ardayda ay lasoo wareegto si ay uga baayac mushtarto oo ay ardayda uga qaado lacago ay kaga qaadayso document-yada ay ardaydu u baahanyihiin, iyadoo markii hore hay’adaha waxbarashada ee dalku si hufan oo lacag la’aan ku siin jireen ardayda document-yada ay u baahanyihiin.
Haddaba aniga oo soo koobaya ayaan shaxdaan hoose ku xusayaa lacagaha ardayda lagaga qaado safaaradda ee aan sifada sharciga ah waafaqsanayn balse u eg baad dadban.
1. EQUIVALENCE:- waa warqad caddaynaysa in ardaygu shahaadada uu wato ay u dhiganto tan dalka Pakistan isla markaasna uu si toos ah u bilaabi karo jaamacadd, waxaana warqaddaan soo dirta dawlada soomaaliyeed gaar ahaan wasaaradda waxbarashada, marka ay wasaaradda waxbarashada ee soomaaliya soo caddayso ardayga shahaadadiisa ayay wakaalada dalka Pakistan u qaabilsan xaqiijinta shahaadooyinku warqadda EQUIVALENCE siisaa ardayda, wax lacag ahna la iskama qaadi jirin waagii hore inkasta oo ay aad u yaraayeen dadka hela warqaddaan oo ay kamid ahayd caqabadaha yaryar ee markaas ardayda haystay haddana waxaa dhibaatadeeda soo afjaray mahadi haka gaadhee mudane Ali Baruur, oo u hagar baxay ardayda soomaaliyeed isaga oo aan wax khidmad ah ka qaadina soo fududeeyay hawshaas iskuna xiray wasaaradda waxbarashada ee soomaaliya iyo wakaaladda xaqiijinta shahaadooyinka wadanka Pakistan ee IBCC.

Haddaba Amb.Al-Makhzuumi ayaa warqaddaan ka dhigtay markay xafiiska la wareegtay lacag dhan $2.5 uu ardaygu ku xaraysan warqadaa iyo lacag dhan $5 oo uu bixinayo marka ay soo jawaabto wasaaradda waxbarashada ee soomaaliya, iyadoo soo rogtay warqado aan loo baahnayn oo xafiis walba lala tagayo taas ujeedka ay ka leedahay uu yahay inay ardayga aan warqadda ka qaadan safaaradda lacagtana bixin ka hor istaagto inuu warqadda EQUIVALENCE ga ka qaato IBCC da.

2. VISA-HA DALKUGALKA: marka arday cusub visa ardaynimo loo xaraynayo waligeed waxa ay ahaan jirtay lacag la’aan balse markii ay Al-Makhzuumi timi waxa ay ka dhigtay lacag dhan $150, halka ardayga dalka horay u joogay ee cusboonaysiinta doonaya ay ka dhigtay lacag dhan $2.5
Waxaa kaloo xusid mudan inay xiriiradii ay la samaysay hay’adaha dawladda sababeen in dawladda Pakistan ay kordhiso lacagtii lagu qaadan jiray cusboonaysiinta visa-ha oo markii hore ahayd lacag dhan $10, halka hadda laga dhigay $50, sababta looga dhigayna ay ka shaqaysay Al-Makhzuumi iyadoo sida wararka aan ku helay uu jiro khilaaf u dhexeeya iyada iyo qaybo kamid ah hay’adaha dawlada ee wadanka Pakistan.

3. ADMISSION KA: warqaddaani waa warqadda jaamacaduhu ugu ogolaadaan ardaygu inuu dhigto jaamacadda waxaana xusid mudan in inta badan jaamacadaha dalku ay si lacag la’aan ah ama lacag aad u yar ku siiyaan warqadaan ardayda soomaaliyeed.

Al-Makhzuumi markii ay dalka timi waxa ay la kulantay intooda badan jaamacadaha waddanka waxa ayna ku amartay inaysan arday soomaaliyeed aqbalin in uu safaaradda warqad ka wato maahee, isla markaasna waxa ay warqadaas aan waxa lagu sifeeyo la aqoon waxa ay ka dhigtay lacag dhan $ 2.5.

Waxaa iyana xusid mudan in ay ardaydii wadanka ku cusbayd ee kala doorashada jaamacadaha ku jiray ay ku khasabtay inay safaaradda ka qaataan warqad cancelation letter ay u bixisay oo sheegaysa in Admission kii hore lagu cancel garayn iyadoo xiriir la samayn jaamacaddii ardaygu Admission ka haysatay isla markaasna ku amraysa inay soo qorto warqad oranaysa ardaygaani jaamacadda wuu ka tagay, taasoo marka si loo eego sifo wanaagsan noqon karaysa oo ardayga heerarkiisa isbadal lagula socon balse ujeedka ay ka leedahay uu yahay inay lacag kaga qaado ardayga warqadaas halka jaamacaddii ardaygu ka tagay aysan wax lacag ah ku xukumayn ardayga.

4. ATTESTATION LETTER: sida la wada ogsoonyahay marka uu ardaygu shahaadada uu jaamacadda ka qaatay TASDIIQIN kaga samaynayo Commission-ka waxbarashada ee dalka waxa uu si toos ah u xarayn jiray documents kiisa kadib shahaadada ayaa loogu dhufan jiray shaabadda tasdiiqinta oo caddaynaysa in ardaygu si sharci ah uga qalin jabiyay jaamacadda dawladuna aqoonsantahay, si ay halkaas lacag uga hesho Al-Makhzuumi waxa ay soo rogtay in safaaradda lasoo maro lana qaato warqad safaaradda ka socota isla markaasna ardayga lagag qaadayo lacag dhan $ 50.

5. GO HOME: sida caadiga ah marka qof bilaa sharci ah oo aan haysan VISA Valid ah, uu doonayo inuu dalkiisa hooyo ku laabto waxaa khasab ah inuu safaaradda wadanka uu joogo ugu taala ka qaato warqadd loo yaqaan GO HOME,taas oo u fududayn inuu si xor ah wadankiisa ugu laabto.

Haddaba sida la wada ogsoonyahay warqaddaani waxa ay ahaan jirtay lacag la’aan oo qofkii u baahan inuu dalka ku laabto waxa ay madaxdii hore oo safaaraddu siin jireen GO HOME Letter iyadoo qofka aan wax lacag ah laga qaadin, balse Al-Makhzuumi markii ay timi waxa ay warqaddaas ka dhigtay lacag dhan $ 50, iyadoo sidoo kale soo rogtay in qofku uu keeno passport kiisii hore ee uu dalka kusoo galay isla markaasna ka reebaysa.

6. VISA-HA DALKUJOOGA: VISA-hani waa cusboonaysiinta kii uu ardaygu wadanka kusoo galay, waxaana xusid mudan in ardaydu iyagu si toos ah u xaraysan jireen document-yada iyagoo si toos ah u aadi jiray xarunta qaabilsan ee magaalo walba waxa keliya oo ay safaaradda uga baahdaana ay ahayd warqad ka socota safaaradda oo kabaysa ardayga faraysana dadka ku shaqada leh Visa-ha inay ardayda u fududeeyaan hawlohooda wixii xog ay u baahdaana ay lasoo xiriiraan safaaradda, waxaana oran karaa waa warqadda keliya ee ardayda khidmad yar lagaga qaadi jiray khidmadaas oo dhamayd $5, markii ay AL-Makhzuumi timi waxay ku dedaashay siday ula soo wareegi lahayd dhammaan hawlihii hay’adaha dawladdu u qaban jireen ardayda waxayna ka dhaadhicisay hay’adihii dawladda in ardaydu si toos ah uga xaraystaan Visa-ha safaaradda soomaaliyeed isla markaasna ay safaaraddu usoo gubdin doonto document-yada hay’adaha ku shaqada leh oo ay kamid tahay wasaaradda arimaha gudaha ee dalka Pakistan, arrintaas markii ay ku guulaysatay waxay Al-Makhzuumi ardaydii kusoo rogtay lacag dhan $20 oo ardayda aan caasumadda ku noolayn ay u dheertahay lacagtii ay kusoo diri lahaayeen document-yada oo iyaduna marka la eego Carriers-ka ugu jaban ay qaataan $5.

Haddaba waxaa intaas dheer in ay dhacdo in ardayda qaarkood document-yadooda la xooro oo aan xil la iska saarin isla markaasna ay ardaydu ka war helaan mudo kadib in aan Visa-yaashoodii la xarayn taasoo ku noqonaysa caqabad kale oo laga qaadayo lacag ganaax ah oo wakhtiga daahitaanka ah taasoo ka bilaabanaysa $50 oo ku xiran inta bilood ee uu ardayga document-giisu dib u dhacay.
Waxaa iyana dhacda in ardayda qayb kamid ah ay la kulmaan caqabado qaab qar iska xoornimo ah loogu dhiiraday in la dhibaateeyo ardayda oo ay kamid yihiin arday markii Visa-yaashoodii soo bexeen laga saaray magacyadooda liiskii ay ku jireen iyadoo in badan la arkay warqadihii ay ardaydaasi ku qornaayeen oo ay ka maqanyihiin magacyadoodii isla markaasna ay banaanyihiin meelihii ay ku qornaayeen taasoo muujinaysa xirfad la’aanta baahsan ee haysata Amb.Al-Makhzuumi iyo qolyaha la shaqeeya, waxaanna caddaynayaa inaan arrinkaasi ahayn mid ay u dhanyihiin dhammaan shaqaalaha safaaraddu ee ay la ogyihiin qorshahaan dibindaabyaynta ardayda soomaliyeed shakhsiyaad hal iyo labo ah oo ay iyadu keentay safaaradda markii ay ku kalsoonaan wayday shaqaalihii hore ee safaaradda maadaama ay doonayso inay ku shaqaysato qaab burcadnimo ah oo uusan qof xafiis dawladeed ka shaqaynayaa ku dhiiran Karin.
Xogahaan oo dhan waxa laga soo ururiyay Ardayda iyo Waxgaradka Bulshada iyo Cid kata oo khibrad iyo aqoon kooni ah u leh safaarada.

G. Waxbarashada Jaaliyada Karachi

Abdinasir Hersi Abdi

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here