Home Wararka Maanta SAWIRRO HOR DHAC:-Jaaliyada Puntland ee Switzerland oo Maanta dooratay Gudoomiye Cusub

SAWIRRO HOR DHAC:-Jaaliyada Puntland ee Switzerland oo Maanta dooratay Gudoomiye Cusub

2607
0
SHARE

Jaaliyadda Puntland ee Switzerland ayaa maanta waxa ay Magaalada Freiburg ku yeesheen shir sanadeedkoodii oo lagu lagu dooranayay Gudoonka Jaaliyadda kadib markii xilka uu ka dhamaaday Gudoonkii hore ee Jaaliyadda Puntland ee Switzerland oo xilka soo hayay mudo 2 sano.

Fadhigii maanta oo ahaa mid aad u weyn ayaa waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan oo ay ka koobantahay  Jaaliyadda Puntland ee Switzerland.

Xubno gaarayo 62 qof oo ah Jaaliyadda Puntland ee Switzerland ayaa goobta ku sugnaa waxaana xilka gudoomiyaha isku soo sharaxay 2 xubnood.

Doorasho oo eheed mid lagu qaaday gacantaag ayaa 57 xubnood waxa ay gudoomiye u doorteen Cabdulaahi Axmed Yuusuf , waxaana musharaxii kale ee la tartamayay uu helay 5 cod.

Hadaba Cabdulaahi Axmed Yuusuf ayaa la filayaa in uu Gudoomiye u noqday Jaaliyadda Puntland ee  Switzerland mudada 2 sano ee soo socota.

Halkan hoose ka daawo sawrio hor dhac ah

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here